25.6 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Shirkaddii labaad oo shidaal sahmintii Puntland joojisay kaddib amarka DFS !!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) – Horn Petroleum oo ah shirkad ka shaqeysa shidaalka iyo saliid baarista ayaa sheegtay in ay joojin doonto joogitaankeeda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Warkan ayaa lugu sheegay in shirkaddu ay iska deyn doonto kharashaadkii ay gelin jirtay howlo ay halkaas ka haysay, inta xal laga gaarayo khilaaf ku saabsan sharcinnimada qandaraasyada oggolaanaya saliidda ee u dhexeeya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

Horn Petroleum waxa ay sheegtay in dowladda Puntland ka codsatay labo sano oo muddo kordhin ah, laga billaabo hadda in dib loo dhigo sahminta shidaalka, inta laga xallinayo caqabadaha siyaasadda.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhowr mar shirkadaha shisheeye ee dalka ka wada howlaha shidaal iyo macdan-baarista ah uga digtay inay sii wadaan howlahaas, maadaama aysan oggolaanshiyo ka haysan dowladda dhexe ee dalka.

Dhawaan ayay ahayd markii agaasimaha hay’adda macdanta iyo shidaalka ee Puntland, Ciise Faarax Dhoollawaa uu sheegay in maamulka uu si madax-bannaan u baari doono shidaalka, si khayraadka dabiiciga ah looga faa’iideeyo bulshada.

Waa shirkaddii labaad ee joojisa shidaal sahminta Puntland muddo bil gudaheed ah, xilli ay muuqato in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay saameyn xooggan yeelatay.

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News