Muqdisho (Caasimada Online) – Muddo saddex sano iyo bilooyin ay xabsiga dhexe ee Xamar ay ku jirtay Xaawo Yuusuf Xasan oo lagu eedeeyay xatooyo cunug yar, waxa ay xuriyadeedi dib u heshay 6-January ee sanadkaan 2015-ka.
Xaawo waxa ay adeegto ka aheyd guri ku yaalo Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, waxaana ay jaariyad u aheyd Hooyo haysata gabar yar, oo Bishii waxa ay ugu shaqeyn jirtay lacag aad u yar oo Xaawo si joogto ah aysan u heli jirin.
Inkastoo Xaawo howsha adeegtinimada ay u geysay duruuf, ayaa waxa ay go’aansatay maalin maalmaha ka mid ah inay tahriibto, kadib markii ay doorbiday inay hesho nolol ka wanaagsan mida ay ku jirto, waxaana ay Hooyadii ay u shaqeynaysay weydiisatay lacagtii ay ku shaqeynaysay, maadaama ay baxeyso.
Hooyada ay u shaqeynaysay Xaawo ayaa u sheegtay in lacagteeda ay siinayso maalin kadib maalinta ay weydiisatay, waxaana dhacday in aroor hore oo subax ah, Hooyada reerka oo huruda, balse gabadha yar ay soo jeedo Xaawo ay gacanta qabatay kadibna ay la aaday suuqa si inanta yar guriga kaligeed aysan ugu cidloon, maadaama ay hooyadeed huruday, balse waxaa dhacday in Hooyada reerka ay soo toostay, kadibna ay weyday gabadhii oo ay banaanka usoo cararto, misna waxa ay aragtay Xaawo oo gabadhii yareyd gacanta uga sii dhagan, waa ay ka daba oroday waxa ayna ku qeylo dhaamisay “Tuugo Gabadheyda ayaad xadi rabtaa waa wareey hala qabto”.
Durba waxaa soo yaacay qaar ka mid ah dadka deegaanka iyo ciidan meesha ka agdhawaa, Xaawo ayaa gacanta lagu dhigay oo waxaa lagu xiray Saldhiga Kaaraan, kadib waxaa loo gudbiyay Saldhiga Xamarweyne oo waxaa kiiskeeda loo sii gudbiyay Maxkamada Gobolka Banaadir.
Intaasi kadib Xaawo ayaa waxaa loo wareejiyay Xabsiga dhexe ee Xamar, iyadoo maalmo kadib maxkamada Gobolka lasoo taagay, kadibna lagu riday xukun dhan 8-sano iyo sideed Milyan oo shilin Soomaali ah.
Xaawo ma aysan haysan cid u dooda, sidoo kalena ma haysato cid u gar-gaarta, muddo saddex sano ah oo Xabsiga dhexe ay ku jirtay kadib, dadaal badan oo dadka qaar ay sameeyeen oo kiiska gabadhan maqlay ayaa waxaa suuragashay in Xaawo dib xuriyadeeda ay u hesho 3-sano kadib.
Waa dhacdo xanuun badan, marka ay Xaawo ka sheekeynayso wixii xabsiga ku qabsaday iyo sida nolosha ay uga samartay, markii 8-sano lagu xukumay.
Xaawo Yuusuf Xasan waa 27-sano jir dhibaatada qabsatay ayaa waxa ay uga warantay Wariye ka tirsan Idaacada Mustaqbal ee Magaalada Muqdisho.
Xabsiga dhexe ee Xamar ayaa waxaa ka buuxa dad badan oo dambi laheyn ama aanan helin xukun cadaalad ah, halka qaar weli aan la xukumin ay xabsiga isaga jiraan.