32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

MAXAMED Cumar CARTE oo digniin ka soo saaray Muqdisho kaddib markii….

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka Soomaaliya ayaa looga hadlay amni darada kusoo korortay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa digniin kasoo saaray arintaasi.

Ku simaha ra’iisul wasaaraha dalka ahna ra’iisul wasaare ku xigeen Maxamed Cumar Carta ayaa hayadaha amaanka ugu baaqay inay sameeyaan baaritaano lagu soo qabanayo dadkii dilay saraakiisha ka tirsanaa garoonka diyaaradaha ee Muqdisho

Warka Qoraalka ayaa u qornaa Sidan:-

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna R/Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa ka tacsiyeeyay saraakiishii ku naf wayay weerarkii waxashnimada ahaa ee shalay gelinkii danbe kooxaha Nabad-diidku ku qaadeen gaari ay wateen masuuliyiin ka tirsan Maamulka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, halkaas oo ku dhinteen afar masuul oo ka mid ahaa, Marxuum Maxamed Kadiye Jimcaale Maareeye ku xigeenka Duulista Hawada,

“Anigoo ku hadlaya magacayga, kan Xukuumadda, iyo kan shacabka Soomaaliyeed, waxaan tacsi u dirayaa Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shaqaalaha Garoonka diyaaradaha ee ay ka baxeen muwaadiniintii naftooda ku weeyay weerarkii kooxaha argagixisadu ku qaadeen masuuliyiin ka tirsan garoonka Muqdisho, waxaana Ilaahay SWT uga baryayaa inuu Janadiisa Firdowsa ka waraabiyo samir iyo imaana ka siiyo intee jeclayd”ayuu yir ku simaha RW.

Ugu danbeyn, ku simaha RW ayaa faray laamaha amniga in ay feejignaan badan muujiyaan kana hortagaan falaka argagaxisadu maleegayso. waxaa sido kale uu sheegay in dhacdooyinka noocaan ah marnaba niyad jabineynin dadaalada lagu doonayo in lagu ciribtiro kooxaha nabad diidka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News