28.2 C
Mogadishu
Sunday, February 15, 2026

Xagguu marayaa qorshihii GURI-CEEL?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Galgaduud (Caasimada Online) – Gudigii dhawaan loo xir saaray dagaaladii dhawaan ka dhacay degmada Guriceel ayaa ka hadlay halka ay marayaan qorshihii laga doonayay ee ahaa dhameynta xiisada degmada Guriceel.

Nabadoon Daahir Macalin Faarax, oo kamid ah xubnaha gudigaasi oo tagay magaalada Dhuusomareeb ayaa sheegay in meel wanaagsan ay wax marayaan, dhawaana ay ku rajo weyn yihiin in la dhameeyo dagaalada.

Sidoo kale wuxuu rajo kamuujiyay nabadoonka in la kala qaado dhinacyada ku dagaalamay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, dibna loosoo celiyo dadkii ka barakacay magaalada.

“Dadkii ka barakacay Dagaalkii ka dhacay Guriceel wey ku soo laabteen Magaalada,Labada Dhinac ee dagaalka ka geeystay Gurceel Xal in ay gaaran Rajo weyn ayaan ka qabnaa, dhawaan waan kala qaadi doonaa.”ayuu yiri Nabadoon Daahir Macalin.

Gudiga ayaa maalmahaan ku sugnaa degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, waxayna wadeen kulamo kala duwan oo ay la qaadanayeen dhinacyada kala matalaya Ahlu sunna iyo sarakiisha ciidamada dowlada.

Dagaalki Guriceel ayaa sababay dhimasho iyo dhaawacyo soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay, iyo barakac baahsan oo ay sameeyeen dadka deegaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News