Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimahha Gudaha ee kooxda Damujadiid ee Dawladda Federaalka Soomaaliya Cabdirahman Odowaa ayaa shalay isugu yeeray Guddiga Farsamadda Maamul u sameynta Gobolada Mudug iyo Galgaduud isaga oo u sheegay war ka yaabiyey guddiga Farsamadda oo aan laga fileyn Wasiir qaran.
Odowaa ayaa ku yiri guddiga inaan guddiga Farsamadda Maamul u sameynta Gobolada dhexe tegi karin Magaaladda Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud oo uu haatan ka socdo shirka dib u heshiisiinta iyo Maamul u sameynta ah oo ay qabsadeen waxgaradka Beelaha Mudug iyo Galgaduud.
Shirka ka socda Magaalada Dhuusamereeb oo qeybtiisa koowaad ee dib u heshiisiinta uu haatan gebogebo yahay, ayna joogaan 9 kamid ah 10-ka beelood ee dega Gobolada Mudug iyo Galgaduud ayaa ah mid ay gebi ahaan qorsheysteen beelaha halkaa ku shirsan, Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliyana uu taageeray dhowaan mar uu halkaas booqasho ku tagay.
Odoyaasha Dhaqanka 9-ka beelood ee halkaa ku shirsan ayaa Madaxweynaha Soomaaliya u sheegay inuu aqbalo go’aanada kasoo baxa shirka dib u heshiisiinta iyo Maamul u sameynta oo haatan qeybtiisa koowaad ka socoto Magaalada Dhuusamareeb.
Odoyaasha dhaqanka Beelaha Mudug iyo Galgaduud ayaa sheegay inaanay marnaba aqbali doonin Rabitaanka Kooxda Damujadiid ku dooneyso inay ku carqaladayso shirka dib u heshiisiinta iyo Maamul u sameynta Gobolada dhexe ee Soomaaliya.
Xubnaha gudidga ayaa hadalka Odowaa oo ah xubin Damujadiid ah, kana soo jeeda beesha Saleemaan Habargidir ku sheegay mid qabyaaladeysan oo dhaawacaya sharafta wasiirnimadiisa.
Qorshaha Damjadiid ayaa ah in Cabdikariin Xuseen Guuleed ay madax uga dhigaan maamulka Gobolada Dhexe ee Soomaaliya taas oo ay adag tahay inay aqabalaan waxgaradka haatan shirku uga socdo Magaalada Dhuusamareeb.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

