Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho imaanaya muddo 3 malain kadib qaabkii laga keeni jiray dalka Kenya, lana keenayay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Joojinta qaadkaasi ayaa ka dambeeyay kadib markii ganacsatada qaadka ka keena dalka Kenya lagu kordhiyay canshuurtii laga qaadi jiray Jawaanka qaad ee laga keeno dalka Kenya.
Mid kamid ah haweenka qaadka ka keena dalka Kenya ayaa sheegay in maanta ay dib u bilaabi doonaan keenista qaadka ee magaalada Muqdisho, kadib markii ay la hishiiyeen ganacsatada qaadka ee dalka Kenya.
Waxay sheegtay in markii hore canshuur xad dhaaf ah la saaray qaadka ay kasoo qaadi jireen dalka kenya, iyadoo sheegtay in la gaarsiiyay 60 ilaa 50 lacagta dalka Kenya.
Magaalada Muqdisho waxaan imaan jiray maalin kastaa 16 diyaarad oo qaadka ka keenayay dalka Kenya, kuwaasi loosoo gudbin jiray gobolada kale ee dalka Soomaaliya.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]