Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa ku guuleystay muddo kadib inay furan mid kamid ah waddooyinka gala degmada Xudur ee gobolka Bakool.
Arintasi ayaa ka dambeysay kadib markii ciidamada amaanka ee AMISOM iyo kuwa dowlada Soomaaliya ay fureen wadada degmada ka gasha dhanka degmada Xudur ee gobolka Bakool.
Qaar kamid ah dadka ku dhaqan degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa sheegay inay arintaasi ay ku faraxsan yihiin dadaalka ay sameeyeen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada Soomaaliya.
Wadada loo furay dadka ku dhaqan degmada Xudur ayaa ah mid dhanka waqooyi kaga began degmada, waxaana degmada Ceelbarde ay u jirtaa degmada Xudur u dhawaadn 90 Km.
Faadumo C/raxmaan Maxamed, oo kamid ah ganacsatada degmada Xudur ayaa ka hadleysa isbedelka ku yimid nolosha dadka ku dhaqan degmadaasi, maadaama hal waddo loo furay.
“Hal waddo ayaa noo furan oo raashiinka aan ka geynaa magaalada Xudur, amaanka waa iska wanaagsan yahay, laakiin hoos waxaa u dhacay qiimaha raashiinka, maadaama hal wado ay dadka heleen”ayay tiri.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

