Dhageyso: Sababti ka dambeysay in la badiyo golaha wasiirada oo la sheegay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, ayaa ka hadlay  badnaanshaha golahiisa wasiirada cusub ee Soomaaliya, dhismaha maamulka gobolada Dhexe iyo maamulka la doonayo in loo dhiso Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirshiid Cali Sharma’arke ayaa waxaa uu sheegay isagoo la hadlayay laanta af-Soomaaliga ee V.O.A in Golaha Wasiirada ay dhaqaale ahaan dalka ay u wanaagsaneyn balse waxaa uu sheegay in ay dantu sidaasi ka dhigtay.

Cumar cabdirashiid ayaa waxaa uu hoosta ka xariiqay in beelaha Soomaaliyeed haddii mid walbo ay iska weyso golaha wasiirada ay markaasi carqalad la Imaaneyso, sidaasi awgeedna ay Golaha wasiirada Tiradooda ay u badiyeen si beelaha loo raali geliyo.

Golaha Wasiirada Ee Raisul wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa waxaa ay aad uga badan tahay Golahii wasiirada ee ra’isul wasaarayaashii isaga ka Horeyay.

Wuxuu sidoo kale ka hadlay ra’iisul wasaare Sharma’arke dhismaha maamulada la doonayo in loo sameeyo gobolada Galgaduud iyo Mudug, iyo dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Qorshaha maamulka gobolada dhexe ayuu sheegay in hadda meel wanaagsan uu marayo dhawaanna luu ka bilaaban doono magaalada Cadaado ee Ximan iyo Xeeb.

Maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, ayuu sheegay inuu barbar socon doono dhismaha maamulka gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Halkan hoose ka dhageyso wareysiga R/W Cumar

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com