Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya C/welli Sheikh Axmed Maxamed, oo dhawaan loo doortay gudoomiyaha madasha wadatashiga iyo Dimuqraadiyada ayaa ka hadlay xukuumada cusub ee Soomaaliya ee ra’iisul wasaaraha isaga badalay.
C/welli Sheikh Axmed, ayaa sheegay in mar haddii uu noqday gudoomiye madal, micnaheeda uusan aheyn inuu mucaarad ku yahay xukuumada Soomaaaliya iyo dowlada oo idil, isagoo sheegay in wada shaqeyn buuxda ay kala dhaxeyso.
Sidoo kale wuxuu caddeeyay in markii hore uu u shaqeyn jiray ummada Soomaaliyeed, iminkana uu u shaqeynayo sidii hore oo kale islamarkaana uusan mucaaradi doonin xukuumada cusub ee dalka.
C/welli, ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay kasoo daaleen dhibaatooyin ayna u baahan yihiin inay ka baxaan, dhankiisana uu la shaqeyn doono xukuumada ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

