28.2 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

DF oo isku Khilaafsan in baroordiiq loo dhigo madaxdii ku geeriyootay qaraxa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Xarunta Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in Wasiirada iyo Xildhibaanada qaar ay soo jeediyeen in baroordiiq loo dhigo Madaxdii Qaranka Somalia looga xasuuqay Qaraxyadii is xigxigay ee ka dhacay Centeral Hotel.

Waxa ay Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha dalka u gudbiyeen in Ehelada Mas’uuliyiintaasi iyo DF Somalia qudheeda lala qeybsado maalinta murugada badneyd islamarkaana la sameeyo baroordiiqa, si shacabka loo dareensiiyo dhibaatada Qaranka kasoo gaartay weerarka.

Si kastaba, waxaa arrintaasi kasoo horjeestay Xubno ka tirsan DF oo iyagu sheegay in bulshada qaar ay baroordiiqa ka fahansan tahay fakir kale, sidaa darteedna munaasabad aysan dhici karin xiligaani la joogo.

Codsiyada Madaxdaasi ayaa loo gudbiyay Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha mana jiraan ilaa iyo hadda wax jawaab ah ee kasoo baxay, inkastoo ay wadaan la tashiyo ku aadan arrintaasi, hadana waxaan la ogeyn dhanka ay uga badan doonaan labada qeyb ee isku khilaafsan sameynta Baroordiiqa.

Weerarkii lagu laa’yay Mas’uuliyiinta ayaa noqonaayo kii labaad oo ay Dowladu ku weyso Mas’uuliyiin badan, marka tirada lagu daro kii ka dhacay Shamo Hotel.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News