Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Turkia u fadhiya dalka Somalia Olgan Baker iyo xubno la socday ayaa gaaray Magaalada Kismaayo.
Safiirka iyo wafdigiisa ayaa garoonka ku soo dhaweeyey Madaxweyne ku-xigeenka labaad ee Jubaland Suldan Cabdulqaadir ‘’lugadheere’’ iyo Xubno ka tirsan Maamuka Jubba.
Safiirka ayaa soo dhaweyn kadib loo gudbiyey Madaxtooyada Kismaayo halkaas oo uu kulan kula yeeshay madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada.
Kulanka madaxtooyada kadib ayaa lagu wadaa in wafdiga safiirka la geeyo dekadda magaalada Kismaayo iyo dhowr xarun oo la filaayo in dowlada Turkida ay ku sameyso dayactir.
Ujeedka ugu weyn socdaalka Safiirka iyo xubnihiisa, ayaa ah inay dhaqan galiyaan Mashaariic hormarineed oo laga caawin doono Maamulka Jubba.
Dhawaan ayay aheyd markii Dowlada Turkida ay ballan qaaday inay dayactir ku sameyn doonto Dekada Kismaayo iyo dhow xarun oo ay saameysay burburkii dalka ka dhacay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]