28.2 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

“Adeer magaalada Kismaayo kama jiro wax maamul Jubaland la yiraahdo’…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Sayid Aadan oo kamid ahaa Baarlamaankii hore, ayaa sheegay inusan jirin wax la yiraahdo Maamulka Jubba.

Sayid Aadan, waxa uu tilmaamay in Kismaayo uu ka jiro Maamul Raaskambooni oo ay isu baheysteen Rag xidid ah, taasina aysan ka turjumeynin Jiritaanka Maamulka Jubba.

Isagoo arrintaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri “Jubbaland Maamul la yiraahdo oo deegaankaan ka jiro malahan, waxaa jiray maamul loo bixiyay maamulka KMG ee Jubba oo Raaskambooniyiinta iyo dowladda Federaalka heshiis ku galeen muddo sii horeysay shir ka dhacay Adis Ababa, xilligii loo qabtay waad ogtihiin oo waa gabaabsi’’

Waxa uu tilmaamay in DF Somalia ay iska indha sarcaadineyso xaqiiqda taagan, waxa uuna carabka ku dhuftay inay suuragal tahay in Madaxweyne Xassan uu gabi ahaan MKG Jubba uu u hibeeyo Axmed Madoobe balse aysan suuragal noqon doonin, islamarkaana uu dhamaaday wakhtigiisa.

Dhanka kale Maxamuud Sayid Aadan ayaa qalad ku sheegay mas’uuliyiin ka mid ah maamulka Jubba oo degmada Doolow ka wada shir ku aadan soo xulista xildhibaanada Gedo ee ka mid noqonaya Baarlamaanka maamulkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News