Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal khasaaro kala duwan geystay ayaa waxa uu ka dhacay Degmada Qoryooleey.
Cumar Maxamuud Cilmi Gudoomiye ku-xigeenka dhinaca arrimaha Bulshada Maamulka Sh/hoose, ayaa sheegay in Dagaalka uu daba socdo dagaalo maalmo ka hor ka dhacay Gobolka waxa uuna tilmaamay inuu ka dhashay Khasaaro baaxad weyn.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in dagaalkaasi uu u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda iyo Dadka ay kasoo sheegteen Dadka Shacabka ah oo uu ku tilmaamay Burcad.
Wuxuu sheegay in dagaalkaasi ay ku nafwaayen ilaa 8-ruux oo isugu jiray garabyada uu dagaalka u dhexeeyay iyo dad shacab ah.
Dhanka kale, waxa uu carabka ku dhuftay in Maamulka usan u arxan fali doonin cid waliba oo isku dayda inay carqaladeyso amaanka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

