31 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Wafdi Turkish ah oo tagaya Kismaayo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdii uu hogaaminayo safiika dalka Turkiga u fadhiya Somalia Danjire Olgan Bekar ayaa lagu wadaa in maanta ay gaaran magaalada Kismaayo.

Xog aanu ka helnay mas’uul sare oo ka tirsan maamulka Jubaland ayaa xaqiijiyay safarka safiirka Turkiga ee Kismaayo uu yahay mid lagu hirgalinaayo mashaariic farabadan.

Si rasmi ah looma oga ujeedada socdaalka wafdiga Turkiga ee Kismaayo balse waxaa loo maleynayaa inuu yahay mid la xiriirta sidii ay mashaariic horumarineed uga fulin lahaayeen deegaanada Jubaland.

Waxaa horay magaalada Kismaayo booqasho ugu tagay madaxa hay’ada horumarinta iyo gargaarka Turkiga(TIKA),booqashadaas oo lagu sheegay inay ahayd ukuurgelida baahida horumarineed ee shacabka Jubaland.
Dowlada Turkiga ayaa mashaariic waaweyn ka fulisay magaalada Muqdisho taasoo ay soo dhaweeyeen shacabka Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News