26.3 C
Mogadishu
Friday, November 14, 2025

DFS iyo Ahlu-Sunna oo kala booday !!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka inaga soo gaaraaya Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, ayaa waxay sheegayaan in Ciidamada Dowladda Somaliya, ay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wadaan duleedyada Magaaladaasi.

Wada hadalo laga dhex waday Dowladda iyo Ahlu Sunna Wal Jameeca oo fashil uu ku yimid, ayaa waxay keentay in Ciidamada Dowaddu bilaabaan dhaq dhaqaaqyo, ay ku qabsanayaan Magaalada Guriceel.

Weriyayaasha, ayaa soo sheegaaya in dadka deegaanku ay walaac ka muujinayaan in markale lagu dul dagaalamo, bacdamaa ay muddo laba toddobaad uun ka nasteen dagaaladii ku dhex maray Ciidamada Dowladda iyo Ahlu Sunna.

Dadkii ku soo laabtay guryahooda Magaalada Guriceel, ayaa waxay markale ka baqdin qabaan in lagu dul dagaalamo, iyadoo dadku isweydiinayaan goobihii ay u carari lahaayeen, haddii xabaddu bilaabato.

Dowladda Somaliya oo ciidan ka kaxeysay Magaalada Dhuusa Mareeb, ayaa waxay geysay duleedyada Magaalada Guriceel, xilli Xoogaga Ahlu Sunna Wal Jameeca, ay iyana ciidan soo dhigeen deegaanka Xanan-buure, oo 28km u jirta Dhuusa Mareeb.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News