Galgaduud (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdi Nuure Siyaad “Cabdi Waal”, oo la hadlay saxaafada ayaa ka jawaabay eedeyn loo jeediyay oo ahaa inuu ku luglahaa abaabulkaa dagaalkii Ahlu sunna ay ku qaaday degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.
Cabdi Waal, wuxuu sheegay in magaalada Muqdisho uu kaga cararay amni daro ka jirto, gobolkaasina uu u tagay si uu ugu noolaado uuna kaga nabad galo bartilmaameyd uu sheegay inay dowlada Soomaaliya ku heysan shaqsiyaad uu isaga kamid ahaa.
Cabdi Waal, ayaa sheegay inuu yahay nin oday ah oo aan ka qeyb qaadan dagaalada ka dhacaya gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya, gaar ahaan degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.
“Waxa la sheegayaa waa been abuur, aniga waxaan ahay nin oday ah oo aan ku dhiiran arimahaasi, Muqdisho aniga amni xumo ayaan kaga soo tagay, ee maanan soo aadin inaan halkaan dagaalo ka huriyo”ayuu yiri Cabdi Waal.
Dagaaladii dhawaan ka dhacay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sababay dhimashada ku dhawaad 20 ruux oo kasoo jeeda hal beel oo degta gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

