29.9 C
Mogadishu
Friday, November 14, 2025

Garoonka diyaraadaha MUQDISHO oo lagu qabtay diyaarad ay saarnaayeen…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ee garoonka ay qabteen diyaarad ay saarnaayeen waxyaabaha maanka dooriya.

Diyaarada oo kasoo duushay garoonka diyaaradaha ee dalka Kenya ayaa goordhow kusoo dagatay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana ku socda baaris ay ciidamada amaanka sameynayaan.

Diyaarada ayaa la sheegayaa inay saaran yihiin inka badan 20 kun oo dhalo qamri ah, waxaana la ogeyn sababta ka dambeysa in laga soo dajiyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Xogta aan helayno ayaa sheegaysa in diyaarada ay u socotay Shirkadii dhawaan laga qaaday maamulka garoonka ee SKA, iyadoo ay dooneysay inay ku dhex iibiso garoonka dhexdiisa, laakiin lama xaqiijin karo warkaasi.

Waxaa garoonka diyaaradaha tagay  taliyaha ciidamada nabad sugida iyo taliyaha ciidamada amaanka ee garoonka diyaaradaha iyo sidoo kale taliyaha waaxda socdaalka ee dowlada Soomaaliya.

C/laahi Xasan Bariise, oo saxaafada kula hadlay garoonka dhexdiisa ayaa sheegay inay wadaan baaritaano ku aadan waxyaabaha keenay in diyaaradaasi ay kasoo degto magaalada Muqdisho ayna saxaafada warbixin kasiin doonaan.

Diyaarada oo aheyd mid gaar loo leeyahay ayaa wadat 25, 416 dhalo oo qamri ah, sida uu sheegay Generaal  Bariise.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News