25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

SOOMAALIYA: AJAANIB LASII DAAYEY

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa habeenimadii xalay xoriyadooda dib u helay la heystayaal Seddex sano u xirnaa Burcad-badeeda Soomaalida oo kasoo jeeda dalka Thailand.

La heestayaashan ayaa waxaa habeenimadii xalay iyaga oo bad qaba la geeyay Koonfurta Magaalada Galkacyo ee Gobolka Mudug.

Ragaan, ayaa la socday markab kaluumeysi oo afduub ahaan ay u heysteen burcad badeeda, markii dambena ku degay xeebaha Somalia, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Burcad-badeedii gacanta ku heysay Markabka.

La heystayaashani ayaa waxaa si rasmi ah loogu wareejiyay Maamulka Galmudug, waxaana lagu wadaa in maanta oo Khamiis ah laga dajiyo Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya.

Weriyayaasha Gobolka Mudug, ayaa rumeysan in madax furasho lagu sii daayay raggaasi, laakiin lama garanaayo inta ay gaarsiisan tahay cadadka lagu sii daayay.

Dhanka kale, Sarkaal ka tirsan Galmudug oo diiday in magaciisa loo adeegsado Warbaahinta, ayaa xaqiijiyay in kooxaha burcad badeeda, ay kala wareegeen ajaaniibta reer Thailand.

Khamiista maanta ah, ayaa waxaa lagu wadaa in afartaasi nin laga amba bixiyo Garoonka Galkacyo, loona duuliyo Magaalada Nairobi ee Xarunta Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News