32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Qaraxii labaad oo Muqdisho ka dhacay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax gaari laga soo buuxiyay ayaa waxa uu goor dhow ka dhacay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Qaraxaani ayaa la sheegayaa in laga soo buuxiyay gaari nooca raaxada ah, waxaana la tilmaamayaa ka hor inta uusan is Qarxin inay daba joogen Ciidamo ka tirsan DF Somalia oo iyagu doonaayay inay ka hortagaan Qaraxa, waxaana markii dambe gaarigaasi oo ay la socdeen Laba ruux uu isku qarxiyay goob ay ku sugnaayen Ciidamo ka tirsan DF Somalia gaar ahaan kuwa Militeriga.

Qaraxa ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray Ciidamadii lagu qarxiyay, waxaana iminka intooda badan la dhigay Isbitaalka Daru-shifa ee isla Degmada Hodan.

Dhanka kale, waxaa goobta uu qaraxa ka dhacay oo aheyd Xaafada NBC ee Degmada Hodan gaaray Ciidamada Nabadsugida iyo kuwa Booliska waxa ayna halkaasi ka sameeyen Baaritaano inkastoo aan la sheegin dad ay u qabqabteen.

Qaraxaani loo adeegsaday gaariga ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo maalmahaani dambe magaalada Muqdisho ay marti galineyso Qaraxyo iyo dilal is xigxiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News