Muqdisho (Caasimada Online)- Waxaa dib u dhac uu ku yimid shirkii maamul u sameynta gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya, kaasi oo Xasan Sheikh uu ku dhawaaqay inuu furmayo 1 Maarso.
Caasimada Online, ayaa ogaatay in dib u dhac weyn uu ku imaaday shirkaasi la qorsheynayay inuu ka furmo magaalada Cadaado ee xarunta u ah maamulka Ximan iyo Xeeb.
Qaar kamid ah gudiga maamul u sameynta gobolada dhexe ayaa sheegaya in xukuumada Soomaaliya ay ku wargelisay inaysan sheegi karin goorta shirka uu furmayo iyo maalmaha uu dib ugu dhacay.
Sababta ayaa lagu sheegay in xukuumada Soomaaliya iyada ay dooneyso inay ku dhawaaqdo in shirka furmashadiisa uu baaqday ayna shaacin doonto waqtiga uu furmayo markale.
Xubnaha gudiga Farsamada ayaa Caasimada Online u sheegay in shirkaasi uu ku xiran yahay shirka ka socda magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud, kaasi oo ay yeelanayaan waxgaradka kasoo jeeda beelaha daga gobolkaasi.
Wararka ayaa sheegaya in laga baqayo in shirka uu dib u dhaco muddo 2 bilood ah, waxaana maqan iminka wasiirka arimaha gudaha iyo federaalka oo shaqadiisa ay aheyd arimahaan oo dhan.
La soco waxii soo kordhaa Insha allah
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

