DFS oo maxkamadeenaysa weriye-yaal

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maanta oo ay Axad tahay mar kale maxkamad Gobolka Banaadir lasoo taago Saddexda Weriyayaal oo u xiran DF Somalia.

Sedexdaani Weriye ayaa waxaa lagu wadaa in la horkeeno Maxkamadda Gobolka si horey looga sii amba qaado dacwadda loo heysto oo la xiriirta tabinta Warbixino aan qancin Laamaha Amaaka DF Somalia.

Weriyayaashani Maxkamada la horkeenayo, ayaa waxa ay ka kala tirsan yihiin Idaacadaha Shabelle, SKY iyo Risaala, ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Maxamed Bashiir Xaashi, Maxamuud Maxamed Daahir ”Carab” iyo Maxamed Cabdi Cali.

Laba kamid ah Weriyayaashani ayaa waxa ay DF Somalia u xiran yihiin muddo lagu qiyaasay 6-lix bil iyo bar, halka Weriyaha kale uu isna yahay mid xiran muddo 2-bil oo xiriir ah.

Labada Weriye ee xiran mudada 6-lix bil iyo bar, ayaa waxaa horay Maxkamadda Gobolka Banaadir loo hor keenay ilaa afar jeer iyadoona marba marka xigta dib loo dhigaayay kiisaskooda.

Dhanka kale, Abukaate Cali Xalane, ayaa sheegay in Dowladda Somaliya ay siyaasadeyneyso kiiska Suxufiyiinta, isagoo intaa ku daray in si sharci daro ah ay ku xiran yihiin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com