25.5 C
Mogadishu
Sunday, February 15, 2026

DF & Somaliland oo maanta ballansan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo magaalada Istanbuul ee Cariga dalka Turkiga ay gaaren Wafuud ka kala socta DF Somalia iyo Somaliland, ayaa waxaa la filayaa in maanta uu halkaasi uga furmo Shirkii wada xaajoodka labada dhinac.

Shirkaani ayaa waxa uu furmayaa maanta oo ay Taariikhdu ku asteysan tahay 1/3/2015 Axad waxaana la filayaa inuu soo idlaado maalinimada Isniinta.

Dhanka wufuuda Maamulka Somaliland, ayaa waxaa horkacaayo Wasiirka Amuuraha dibada Maxamed Biixi Yoonis waxaa kale oo ka mid ah Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirkii hore ee Xanaanada Xoolaha oo haatan loo magcaabay wasiirka Arrimaha qoyska,Wasiirka Hawlaha Guud, Gudoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka iyo xubno kale.

Sidoo kale, Wefdiga ka socda dhanka DF Somalia, ayaa waxaa horkacaaya Wasiirka Arrimaha Gudaha C/raxmaan Maxamed Xuseen ”Odawaa”, waxaana ku wehlinaaya xubno ay ka mid yihiin Wasiirada Warfaafinta, Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Saciid Jaamac Qorsheel, oo soo noqday Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawada iyo masuuliyiin kale.

Wadahadalka DF Somalia iyo Somaliland ayaa dhawr jeer oo hore ka dhacay wadanka Turkiga, mana jirto wax natiijo lagu nagaado oo kasoo baxa shirka, tan iyo markii uu furmay.

Dhanka kale, waxaa inta badan kasoo baxa qodobo aan cid si rasmi ah ugu dhaqanto aysan jirin marka la eego nidaamka uu dhigaayo dhaqan galinta qodobadaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News