Mudane Maxamuud Gheedi wuxuu ka dhawaajiyay arrin aad xasaasi u ah oo xambaarsan masiirka ummaadda degta gobolkii la dhihi jiray BANAADIR, taasoo uu ku socdo duullaan-doqon- ma- garato, danta laga leeyahayna ay tahay in dadka ku nool meesha oo ah tirada ugu badan degaan ahaan, dalka Somaliya ku nool, la isir habaabiyo oo laga dhigo tusbax ku go’ay biyo dhaxdood oo ay mustaxiil tahay in la soo gurbiyo.
Tusaale yar haddaan soo qaadanno waxaa deggan meesha dad guri la wadaaga niman dhegaha la’ oo inta ka soo harmaray waqtigi laysku ogaa iska seedxday iridina xirtay…sidee looga kici kara jiifka!!! Wuxuu ahaa hal-xiraale laysku xujey jiray berigii aan dhallinyarada ahayn.
Haddaba, maanta waxaa bilawday goboleysi aan la garan karin sababaha dhaliyay in la adegsado erayada ay ka mid yihiin ”dowlad goboleed”,” madaxweyne dowlad” oon ahayn kii dalka oo weliba dibadaha iyo dalalka shisheeye xariir la sameysta, dhulki Somaliya-na qaybo ka mid ah u hibeeya dalalka deriska ah. Waxaa jira arrimo aan filaayo inay ka warqabaan Madaxda ugu sareysa dowladda taasoo ah inuu Shariif Xasan Sh.Aden u ballanqaaday Ethiopia inuu fariisin ciidan ka siiyo Marka iyo Baraawe iyo weliba xeebta Jasiira oo Xamar ka mida, kuwaas oo ka mida ”dowladda” Koofur-Galbeed…ma laga yaabaa in degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ay ku biirto iyadana Koofur-Galbeed si Ethiopia saldhig looga siiyo iyadoo fulineysa heshiis la gashay Shariif Xasan…maxaa banaadir ka galay Koofur-Galbeed…mase waxa la rabo waa badda Banaadir maadaama gobolku iyo jaalkooda Ethiopia aysan bad lahayn?
Intaas oo mu’aamaro oo xowli dheer ku socda ayey dadka dega gobollada dhexe ay sameysan waayeen maamul u dhexeeya iyagoo danta guud fiirinaya iskana illaaba danaha jufooyinka gaarka ah…Dadka ka soo jeeda gobollada dhexe waa dadka ugu firircoon ummadda laakin ka gaabiyay kuna fshilay inay sameystaan maamul ka wada dhexeeya dadka walaalaha ah ee meesha ku wada nool. Dad waxaa ugu doqonsan qofki fashalkiisa ku eedeeya dad kale oon madasha joogin…waxaad la mid tahay qof bursanaaya ama raacdeysanaya qof aan waxba kaa qabin kii wax kaa xadayna aad u jeedo ama uu agtaada joogo.
Haddaba, haddii la rabo in laga badbaadiyo dalkaan burbur ka weyn kii la soo maray waa in la baajiyaa Sh/Hoose inay raacdo Bay, Sh/Dhexena Hiiraan…sidoo kale, Mudug uma qaybsamo laba maamul goboleed waana in lagu daraa mid kaliya, iyadoon la fiirin jufada meesha degta waayoo gobollo badan ayey wada deggan yihiin jufooyin kala duwan.
Dadka dega ex-Banaadir waa inay wax maqlaan waxna arkaan, danta gobolkana loo daba fadhiisto dadka wax garta oo dareen wadaninnimo ku jirto…ma ahan wax la qaaadan karo in Daafeet, Janaale, Shalaambood, Buulo Mareerta, Golweyn, Jeerow,Cabdi Cali ilaa Qoryeeley, ku dar weli Sablaale, Kurtunwaarey, Baraawe ilaa Jilib irideeda laga xakumo Baydhabo iyo Xuddur, dadka meelahaas degana ma aqbalayaan haddii lala tashado oo loo oggolado inay masaairkooda ka taliyaan, dadkooda wax galka ahna laga tala geliyo mustaqbalka magaalooyinkooda.
Wax la oggolaan karo ma ahan in Balcad & Warsheikh,Xawaadley, Gololey Jowhar, Mahadaay iyo xeebti Cadale looga arrimiyo B/Weyne, dadka arrimahaas wadana waa ku fashilmaayaan …waa in si deg-deg ah looga hortagaa waxyaabaha ku soo socda ex-Banaadir. Dadka siyaasadda ku jira ama arrimahan hor boodaya waxaa laga rabaa inay billaabaan olole ay ku kasbanaayaan dadweynaha ku dhaqan ex-Banaadir oo dhan, magaala kastana dad odayaal iyo indheeergarad ah loo adeegsado. Howshaan baaxadda weyn oo u baahan dulqaad iyo dad la soo xulay oo xambaari kara masu’uliyadda culeyska badan ee loo baahan yahay in laga mira dhaliyo intey goori goor tahay.
Waa in aan codkeyna ku biirinaa kii Moxamud Gheedi oo ku taliyay in arrinta ex-Banaadir geed-dheer iyo mid gaabanba loo koraa, daafaha dunidana dad daacad ah loo adeegsadaa, talooyinka iyo fadhiyana la badiyaa, cidna aan la yasin ama la yareysan…waa in la billaabaa aruurin deeqo howlaha lagu fuliyo waayoo dhaqaale la’aan wax socon karaa ma jiraan.
Halla abuuro Guddi fulin oo howsha loo bahan yahay waqtigooda ugu deeqa, diyaarna u ah inaysan ka daalin ilaa laga gaarayo dib u curinta GOBOLKI BANAADIR oo dad aad u tiro badan ay ka dhur sugayaan !! Barnaamij tifaftiran ayaan u diyaariyay sida howsha loo billaabi karo waxaana lagu wareejin doonaa ciddi u soo istaagta fulinta barnaamijka.
TALOOYIN U GAARA DIYAARINTA DUSTUURKA:
Waa lagama maarmaan in la saxo khaldaadka jira si looga hortago dhibaatooyinka ka dhalan doona fasirka dustuurka, waxaana loo baahan yahay in laga ilaaliyo ” different interpretations iyo reading between lines”…waa in laga ilaaliyaa inaan loo fasiran dustuurka qofba siduu doono!!
Dowlad Goboleed waa in loo beddelaa ”MAAMUL GOBOLEED”
Madaxweynaha waxa laga dhigaa” Guddoomiyaha Maamul Goboleedka”… si loo kala ilaaliyo inaysan isku dhicin (power struggle) Madaxweynayaasha !!!
Axmad Calasow

