Ugu horeyntii, waxaa xusid mudan maalmaha taariikhiga ah ee 26ka June, 1960kii oo ah maalintii xorriyadda Gobolada Waqooyi iyo 1da July, 1960kii maalintii xorriyadda Gobolada Koonfureed ee Soomaaliyeed ahna maalintii ay midoobeen oo israaceen labada gobol. Waa maalmo qaali ah, qiimo iyo qadarin badana u leh ummadda Soomaaliyeed. Waa maalintii calankeena la taagay, kii gumeysigana la siibay. Waa maalintaan gob noqonay oo aan gunnimada ka baxnay. Waxaase nasiib daro ah in xornimadaas naf iyo maalba loo huray, in soomaali u kala go’day dhowr qeybood oo qabiil ku dhisan, gobol walbana loo sameeyay magac iyo madaxweyne u gaar ah si loo maamulo, loona galiyo gumeysi dadban.
Arrintu si kastaba ha ahaatee, markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991kii, dadka degan gobolada Waqooyi waxay ku dhawaaqeen in ay ka goosteen soomaali inteeda kale oo la baxeen Somaliland – magacan oo asal ahaan ka soo jeeda British Somaliland maadaama gobolada waqooyi xiligaas Ingiriiska gumeysan jiray, kuwa koonfureedna waxaa loo yaqaanay Italian Somalia maadaama Talyaaniga gumeysan jiray.
Waxaan shaki ku jirin oo la wada ogsoon yahay dhibaatooyiinkii iyo tacadiyadii loo geystay dadka gobolada waqooyi xiliggii uu talada hayay Maxamed Siyaad Barre, xaqbeyna u leeyihiin in ay ka tashadaan aayahooda. Maantay waxay gaareen horumar iyo guulo la taaban karo inkastoo aysan wali helin aqoonsi caalami ah taas oo loo sababi karo dhowr arrimood oo ay ugu horeyso magaca Somaliland naftiisa oo ay ka dhexmuuqato soomaali. Siyaasiyiin badan oo reer Somaliland ah waxay qirteen in magacan dhuunta u galay oo markasta oo ay ictiraaf doonaan oo yiraahdaan Somaliland baa nala yiraa loogu jawaabo soomaali baaba sheeganeysaane sidee u rabtaan aqoonsi gooni isu taaga?.
Sida dhaqankii soomaaliyeed is bedel ugu dhacay, ayaa sidoo kale erayadii Af Soomaaliga ahaana tadawur ama is bedel ugu dhacay oo erayo badan lumeeen, kuwo cusub ku soo biireen, kuwana macnahoodii is badaleen oo si kale loo isticmaalo tusaale ahaan Bililiqo oo ah eray soo baxay xilligii burburka dowladdii dhexe waxaa loo yaqaanay xoolo aan cidna kaa xigin, laakiin maantay macnihiisii waa is badalay oo waxaa loo yaqaan xatooyo xoolo aadan laheyn oo xaaraan ah waxaas oo dhan waxaan uga gon leeyahay magaca Somaliland wuxuu ku dhex milmay magacyada maamulgoboleedyada tirada badan ee REER LAND ee ka jira Soomaaliya sidaas darteed macnihii magaca Somaliland ee aheyd dowlad madaxbanaan waa is bedeshay.
Ugu dambeyntii, gobolada waqooyi iyo kuwa koonfureed shalay iyagoo xor ah ayagaa is raacay, maantana kala taagan, barina haddii ay doonaan midoobi kara waxaase loo baahan yahay in marka hore qole walbaa gurigeeda hagaagsataa oo laga tanaasulaa xiqdiga iyo xasadnimada.
W/Q. Said Hassan (Careys)
Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

