Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya dhanka deegaanka Saaxo ee Gobolka Mudug, ayaa sheegaya in Saaka halkaasi ay ka taagan tahay Colaado u dhexeeya laba Maleeshiyo beeleed oo halkaasi wada daga.
Wadooyinka deegaanka ayaa waxaa lagu arkayaa Maleeshiyaad hubeysan iyo gaadiid dagaal kuwaasi oo meereysanaa goobo uu horay uga dhacay dagaalka.
Labadaani beel ee uu dagaalka u dhexeeyo, ayaa horaantii asbuucii tagay ku dagaalamay isla deegaanka Saaxo ee Gobolka Mudug, waxaana ka dhashay dhimasho gaareysa ilaa 7 ka tirsanaa dhinacyada uu dagaalka u dhexeeyay iyo dhaawac farabadan.
Saaxo dadka Deegaanka ayaa ku Dagaallamayey Muddooyinkii lasoo Dhaafay dagaalkooda ayaana ku Xeeran Ceel ay dadka Deegaanku Wadajir Biyaha uga Cabi jireen oo uu hal dhinac is Xijiyey, dhinaca kalena uu sidaa Dagaal uga Galay Arrintaas.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

