26.4 C
Mogadishu
Monday, December 15, 2025

Xog: Odayaal dacwad oogayaal ah oo laga hor-sitaagay R/W CCC Sharmaarke

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya in Odayaasha qaar laga hor istaagay inay la kulmaan Ra’isul wasaaraha dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Xassan Fidow oo Odayaasha kamid ahaa ayaa sheegay in markii hore lagu wargaliyay in lala kulansiin doono Ra’isul wasaaraha balse markii dambe lagu qanciyay in Hogaanka sare ee Maamulka uu ku gacanseeray in Odayaashaasi loo gudbiyo Ra’isul wasaaraha.

Wararkaasi khilaafsan, ayaa sheegaya in Ujeedka la kulanka Ra’isul wasaaraha loogu diiday ay tahay kadib markii la ogaaday in Odayaashasi oo gaaraya 12 ay dacwad ka qabeen hanaanka uu u socdo shirka.

Inta badan Odayaash qaar ayaa iyagu dhaliilsan qaabka uu u socdo shirka magaalada Dhuusamareb ee xarunta gobolka Galgaduud, waxaana jira warar sheegaya in Seddex beel aysan soo xaadirin markii laga reebo dhowr beel.

Ra’isul wasaaraha dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo xalay ku hoyday magaalada Dhuusamareb ee xarunta gobolka Galgaduud, ayaa waxa uu kulamo gaar gaar ah weli la qaadanayaa Maamulka iyo tiro Odayaal lasoo xulay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News