27.5 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Kooxo ka dilaacay magaalada Kismayo oo billaabay falal dadka ka yaabiyey !!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo xarunta maamulka ku-meelgaarka ah ee Jubba, ayaa sheegaya in halkaasi ay ka dilaacen Kooxo xiliyadii habeenka geysta falal afduub ah.

Wararku waxa ay sheegayaan in Kooxahaasi ay u socdaan qeyb qeyb waxa ayna habeenkii afduubyada ka geystaan goobaha lagu qaxweeyo iyo guryaha oo ay kala soo baxaan dadka indhaha u ah Bulshada.

Sidoo kale, Kooxdaani ayaa waxa ay fal ceynkaasi ah ka geystaan Magaalada Garbaharay ee Xarunta Gobolka Gedo, waxaana la tilmaamayaa inay leeyihiin xabsiyo qarsoodi ah oo ay dhaqaale uga qaatan qoysaska dadka afduubka loo heysto.

Dhanka kale, Falalkaani ayaa waxa uu argagax ku abuuray Bulshada ku nool magaalooyinka Kismaayo iyo Garbahaare, mana jirto cid gaar ah oo ilaa iyo iminka falalkaani ka hortagay.

Inta badan Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka dhaca falal argagax galiyay dadka halkaasi ku nool kaasi oo isugu jira dil, ceejin waxa ayna qeyb ka yihiin falalka ay geysanayaan kooxahaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News