28 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Xog: Markab dagaal iyo diyaarado joog hoose ku duulaya oo lagu arkay Hobyo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka laga helayo Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Maraakiib Dagaal iyo Diyaaradu Militari oo joog hoose ku duulaya lagu arkay Xeebaha Magaalada Dekada leh ee Hobyo.

Diyaaradaha ayaa gaaraya ilaa Afar nooca dagaalka ah, kuwaasi oo qalqal galiyay Bulshada halkaasi ku dhaqan lamana oga rasmi ahaan halka laga leeyahay Diyaaradaha iyo ujeedada ay ka leeyihiin Deegaanka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in imaanshiyahooda Hobyo ay tahay mid timid xili halkaas la tuhunsan yahay in afduub ahaan loogu heesto dad Ajanabi ah.

Xeebta Hobyo ayaa la sheegayaa in ay si aad ugu soo dhawaadeen Maraakiibtaas dagaal ee lagu arkay halkaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News