25.8 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

UK oo safiir usoo dirtay Soomaaliya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

London (Caasimada Online)-  Dowlada UK ayaa safiir cusub usoo magacowday dalka Soomaaliya taasi oo badali doonto Neil Wigan oo Soomaaliya muddo ka shaqeynayay,

Boqorada dowlada UK ayaa safiiska cusub ee Soomaaliya u fadhin doonta ku sheegtay haweenay lagu magacaabo Harriet Mathews OBE oo badali doonta Neil Wigan oo UK Soomaaliya u qaabilsanaa.

Haweenaydaan ayaa la sheegay in bisha June ee soo socota  ay la wareegi doonto xafiiska uu ku shaqeynayay Neil Wigan.

Harriet Mathews OBE
Harriet Mathews OBE

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Neil Wigan loo magacaabay xil kale oo diblu maasiyadeed,.

Haweenaydaan laga dhigay safiirka UK u fadhin doonta Soomaaliya ayaa waxay kusoo biirtay siyaasada arimaha dibada ee Ingiriiska sanadkii 1977.

Waxayna hadda ka shaqeynaysay xafiiska wasaarada arimaha dibada oo ay u qaabilsaneyd arimaha la dagaalanka Cudurka EBOLA.

Waxay kasoo shaqeysay xafiisyo badan iyadoo wasaarada wakiil kaga noqotay dalalka Brazil, Afganistan iyo Israel.

Caasimada Online
Xafiiska London
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News