Muqdisho (Caasimada Online) –Iyadoo weli Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud laga dareemaayo raadadka xiisado colaadeed, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Axmed Rooble oo kamid ah dadka Deegaanka.
Axmed Rooble, ayaa sheegay in dhibaatooyinka ka dhacay Guriceel ay sabab u yihiin Shaqsiyaad uu kamid yahay Maxamed Nuur Galaal.
Waxa uu sheegay in Galaal uu dhabarka dambe ka riixaayo Dagaalamayaasha Ahlu sunna iyo Saraakiishoda, waxa uuna carabka ku adkeeyay in dhib waliba oo ka dhaca Guriceel uu dusha saaran doono Galaal.
”Adeerow runtu yaan laga ganban Maxamed Nuur Galaal, ayey ka istaagi la’ yihiin dagaalada isaga ayaa durbaanka colaada tumayo yuusan dagaaladaasi ku eeden DF Somalia xaqiiqda ayan la socnaa anagu”
Waxa uu intaa kusii daray hadalkiisa ”Waxan ku baaqayaa in DF ay ku dadaasho sidii deegaanka looga qaban lahaa shaqsiyaadka sii hurinaaya dagaalada iyo xasilinta degmada Gurceel, waxaana looga baahan yahay inay aqoonsato Maamulka Galgaduud”
Ugu dambeyntii, Hadalka Axmed Rooble, ayaa imaanaya iyadoo dagaalada Guriceel marba cid gaar ah dusha loo saarayo, ilaa iyo iminkana halkaasi laga dareemaayo raadadka ay reeben dagaalka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

