32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Xeer Ilaaliyaha QARANKA oo weeraray baarlamaanka iyo golaha wasiirada !!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa dhaliil usoo jeediyay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya iyo golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya, oo ku aadan ineysan dhameystirneyn sharciyada mararka qaar ay soo gudbiyaan.

Wuxuu ka hadlayay kulan loo qabtay garsoorayaasha Muqdisho kaasi oo muddo labo maalin ah ka soconaya magaalada Muqdisho, isagoo sheegay iney gudbiyaan mar walbaa sharci qabyo ah.

Xeer ilaaliye Axmed Cali Daahir, ayaa sheegay in loo baahan yahay marka sharci ay sameeyeen iney u bandhigaan dadka aqoonta u leh sida hayadaha garsoorka si wax badan looga saxo.

“Waxaad arkeysaa sharuuc badan oo kasoo baxeyso baarlamaanka iyo golaha fulinta, sababtoo ah haddii aad aqrisaa waxaa kaaga baxaya wax aan soconeynin, maxa yeelay waxaan lagala tashan dadka aqoonta u leh”ayuu yiri xeer ilaaliyaha qaranka.

Axmed Cali Daahir, ayaa ugu baaqay labada dhinac iney latashiyo ka sameeyaan marka ay sharci doonayaan iney sameeyaan ama  ay ansixinayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News