25.7 C
Mogadishu
Sunday, June 14, 2026

DHAGEYSO: Indha-Cadde oo ka hadlay dagaalka G/Ceel, weerarna ku qaaday..

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacadde oo ka mid ah mas’uuliyiintii hore ee dowladda oo waraysi gaar ah siiyey idaacadda Goobjoog ayaa ku baaqay in dhinacyada ku dagaalamaya gobolada dhexe ay nabadda qaataan, isaga oo sheegey in dagaal aanan wax xal ah lagu gaari karin.

“Waxaan dhinacyada ugu baaqayaa in la heshiiyo, 24 sano kadib xabbad wax ku imaanayaa ma leh, waxaanan usoo jeedinayaa in ay heshiiyaan, maamulna dhistaan” ayuu yiri.

Mar wax laga weeydiiyey ururka Ahlu Sunna Wal Jamaaca ee Guri Ceel ay dowladda ku dagaalamayaan ayuu sheegey in uusan isaga dooneynin in ururkaasi uu wax ka sheego, laakiin fikradda guud ee uu qabo ay tahay “Waxaan arkayaa in urur ama diin ah ama siyaasad ah oo hubeysan in aanan maanta loo baahneyn, oo loo baahanyahay in dowladda la’isugu yimaado, dhexdeeda wax laga soxo, wixii khaldana halkaasi laga hagaajiyo, cid kastana ay waqtigeeda sugato” .

Sidoo kale mar wax laga weeydiiyey in uu ka qeybqaadanayo maamulka loo dhisayo gobolada dhexe ayuu ku jawaabay “Aniga fikradeyda haddii aan kuu sheego maamul goboleed iyo federaal midna ma ogoli, waan kasoo horjeedaa, sida loo sameeyeyna raali kuma ahi, in aan ka muuqdo maamul goboleedna ma rabo, sababtoo ah waxaan arkayaa in meesha qaranimadii ku burbureyso, oo ay ku dumeyso baan arkayaa, marka dowladda dhexe, halkaas unban taageersanahay, halkaas unban haddii aan helo ka shaqaynayaa, laakiin ummaddii Soomaaliyeed baa iga tan badan, laakiin in ay wax u dhismaan maadaamaa ay dadka ay waxdhisteen waan taageersanahay”.

Yuusuf ayaa dhanka kale ammaanay wasiirka difaaca Soomaaliya Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini oo uu sheegey in uu daacad ka ahaa wadahadaladii Guri Ceel, isagoo sheegey in loo hoggaansamo qodobadii lagu heshiiyey, maamulna la dhisto.

Yuusuf ayaa ka mid ah dadka saameynta ku leh arrimaha Soomaaliya, balse muddooyinkii ugu dambeeyey ka gaabsanayay waxyaabaha dalka ka socda hadal iyo ficil intuba.

Halkan ka dhageyso Indha-Cadde

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News