Shir balaaran oo ay ka soo qeybgaleen qeybaha kala duwan ee Beesha Cowlyahan Absame loogana hadlay siyaasadooda ku aadan hogaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa laga soo saaray qodobo Xasaasi ah
Shirkan oo ahaa mid qadka Taleefanka ku dhexamaray jaaliyadaha Beesha ee Dunida kala jooga iyo kuwa jooga Gudaha wadanka ayaa diirada lagu saaray dhibaatooyin kala duwan ee beesha Cowlyahan uu ku hayo Madaxweynaha Maamulkaas Cabdi Maxamuud,iyadoona laga dooday Cagajugleyn iyo xaqiraad lagu hayo Beesha.
Beesha Cowlyahan ayaa tabanaysa Xaqiraad ku aadan xaquuqada ka qeybgalka Maamulka Deegaanka,tasoo ah mid ay Beeshu ku dulansantahay,islamarkaana aysan hada waxii ka danbeeyo aqbaleyn ayaa lagu yiiri war saxaafadeed ka soo baxay shirkaas
War saxaafadeedkan oo la soo gaarsiiyay Xafiiska wararka ee Caasimada ayaa sidoo kale lagu Sheegay in shirqoolo isugu jira dilal iyo xarig loo gaystay dad ka soo jeeda Beesha Cowlyahan,waxaana arinkaas ka danbeeyay Madaxweyne Cabdi Maxmuud ayaa lagu sii yiri qoraalka ka soo baxay shirka Beeshaas,iyadoo 11 qoodob oo laga soo saaray ay kala yihiin.
(1) Beeshu Waxeey Taagersantahey Nabada Iyo Wada Noolashaha Shucuubaha Ethiopia Ee kala Gedisan.
(2) Beeshu Waxey Cadeyneysaa Maanta oo Taariikhdu Tahey 19 Maarso Ini Eey kala Noqotey Kalsoonidi Dal & Dibadba Madaxweyne Cabdi Maxamud Kadib Markey Aragtey Nidaamka Ku dhisan Nin Jecleysiga Iyo Duudsiga Xaquuqda Aas aasiga ah Ee Bulshada Deegaanka lagu hayo Gaar ahaan Gobolada Beesha ay Degto.
(3) Beeshu Waxey Amaan iyo Bogaadin U direysaa Dowlada Federalka ee Dalkena Oo ayadu Marti Galisey Dhabarkana Saaratey Masuuliyintii Beesha Ee Uu madaxweyne Cabdi ka Eryey Deegankoodi Sabab La’aan.
(4) Beeshu Waxey ka Codsaneysaa Dowlada Federalka Dalka & Xafiiska RW Dalka Iney Si Deg Deg ah Usoo Faragaliyaan Dhibaatada Ka Aloosan Deegaanka Soomaalida Ethiopia Ee Halista ah Sababi Karta.
(5) Beeshu Waxey Cambaareyneysaa Gabood falka ka baxsan Bini’adanimada Ee Uu Madaxweyne Cabdi Maxamud Kula Kacey Shacabka Deegaanka gaar ahaan Gobolka AFDHEER.
(6) Beeshu Waxey Fahansanatehy Ini Lagu dhibaatenayo Colood Uu Madaxweynaha U qabo siyaasin beesha katirsan oo eey siyasad shaqsi ah Isku hayaan Asaga.
(7) Beeshu Waxey Aad u cambaareyneysaa Gabood Falka Xaq Duudsiga & Handaada Lagu hayo Gobolada DDSI Oo Eey Sababtey Siyadada MAdaxwynaha Deegaanka Sida Qoraxey,Doolo Jarar iyo Shabelle.
(8) Beesha Waxey Eegi Doontaa Suurtagalnimada ineey toos u hoos tagto Dowlada Dhexe Ee Dalka Hadii aan Wax laga qabanin Dhibaatadan.
(9) Beeshu Waxey Cadeyneysaa Ini uu Madaxweyne Cabdi M.Cumar ugaarsi aan Cadeyn u jeedkisu uu Ku hayo Hal-doorka iyo Waxgarad Beesha COWLYAHAN
(10) Beeshu waxay cambaareyneysa gudoomiyaha gobalka Afdheer oo kula kacay bulshada Gobalka handadaad iyo dhibaatoyin joogta ah waana in si degdeg ah loo badalaa.
(11) Beeshu Waxey Gudi heer Sare Ah U Saartey Dhaqan Galinta Qodobada Kor ku Xusan
Wabilaahi Towfiiq

