Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow aan ka helnay Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuuud uu qorsheynaayo in xil ka qaadis uu ku sameeyo Taliyaha Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Somalia Col. C/raxmaan Maxamed Tuuryare (Cumda).
Madaxweyne Xasan ayaa wado qorsho uu xilkaasi ugu magacaabayo General Cali Xaashi Baraale oo khibrad u leh dhinaca sirdoonka.
Taliyaha la filaayo in Madaxweyne Xasan uu xilkaasi u magacaabo ayaa waxa uu muddo fog ku soo dhex jiray arrimaha sirdoonka, iyadoo uu si weyn kaga soo muuqday Dowladdii Dhexe ee Somalia.

Madaxweyne Xasan ayaa iminka uu yeeray General Baraale oo Nairobi ku sugan, si loogu magacaabo taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka.
Arrinta xil ka qaadista Taliyaha Nabadsugida Qaranka ayaa la sheegayaa inay ku timid dalab dhanka Col. C/raxmaan Maxamed Tuuryare, waxaana fakirkaasi aqbalay Madaxweyne Xssan Sheekh.
Xilligii Xukuumaddii Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), ayaa mar la damcay in General Baraale loo magacaabo Agaasimaha Hay’adda Nabad Suggida Qaranka, laakiin waxaa markaasi cago jiid ka muujiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo markii horeba uu isaga uun u yeeray.
General Baraale, ayaa mar maamuli jiray Xabsiga Godka Jilicow ee Degmada Boondheere, berri-samaadkii. Sidoo kalana wuxuu soo noqday Taliyihii Nabad Suggida ee Gobolada Koonfureed.
Baraale waxa uu deegaan ahaan ka soo jeedaa Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, waxaana abti u ahaa Madaxweynihii hore Somaliya General Maxamed Siyaad Barre.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]