24.4 C
Mogadishu
Saturday, January 3, 2026

Wasiiro ka tirsan maamulka K/Galbeed oo qarax lala eegtay (Aqri Magacyada iyo khasaaraha) !!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar goor dhow nasoo gaaray, ayaa sheegaya in Kolonyo gaadiid dagaal oo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan DF Somalia iyo kuwa AMISOM lala eegtay Qaraxyo khasaaro geystay.

Gaadiidka ayaa maraayay goorta qaraxyada lala eeganaayay duleedka Magaalada Marka, waxaana la tilmaamayaa in qaraxa kadib ay Ciidamadu xireen wadooyinka.

Ciidamada ayaa ooda ka qaaday rasaas xoogan oo la sheegay inay khasaaro kala duwan kasoo gaartay dad shacab ahaa oo goobta ka agdhawaa.

Warar hoose ayaa sheegaya in Gaadiidka Qaraxa lala eegtay ay la socdeen Wasiiro ka tirsanaa Maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia.

Wasiirada la socotay gawaarida la beegsaday, ayaa waxaa la tilmaamayaa inay ka mid ahaayen Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Maamulka Koonfur Galbeed C/raxmaan Aadan Sate, Wasiirka Iskaashiga Caalamiga C/naasir Cabdi Caruush iyo Wasiirka Caafimaadka Isaaq Cali Subag.

Ilo wareedyo, ayaa waxay xaqiijinayan in qaraxu uu khasaaro geystay, inkastoo aan aah faahin badan laga hayn inta uu khasaaruhu gaarsiisan yahay.

Dhinaca kale, Ciidamada DF ayaa goobta qaraxyada gaaray waxa ayna halkaasi ku qabqabteen dad shacab ahaa oo lala xiriirinaayo falkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News