28.3 C
Mogadishu
Friday, January 2, 2026

Xog: Ciidamada DFS oo laga saarayo Kismaayo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan oo naga soo gaaray Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose, ayaa sheegaya in DF Somalia iyo Maamulka Jubba uu u socdo wada-hadal hoose oo Magaalada Kismaayo looga saarayo Ciidamada DF ka jooga qeybo kamid ah Deegaanada Jubba.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in ujeedka ay arrintaasi ka leeyihiin Maamulka Jubba ay tahay isku dhex qasnaan dhanka Ciidanka oo ka taagan Deegaanada uu Maamulka ka arrimiyo, iyagoona uu Maamulku doonaayo in loo madax-baneeyo awoodaha Ciidanka si loo xaqiijiyo Amaanka wixii halkaasi ka dhacana iyaga lagula xisaabtamo.

Warar kaasi ka duwan ayaa sheegaya in Qorshahaani uu wado Maxamed Cabdi Afey oo ah wakiilka gaarka ah ee urur goboleedka IGAD u fadhiya Somalia oo mudo laba jeer ah Madaxweyne Xasan kala hadlay arrinta la xiriirta Ciidamada Dowlada ka jooga Jubba.

Afey ayaa sidoo kale hirgalinta arrintaani Caqabada ku noqon doonta DF Somalia la kaashanaaya Saraakiil kasoo Jeeda Ethiopia oo xiligaani gacan libaax ka geysanaaya Siyaasadaha lagu bacriminayo Maamulka Jubba.

Qorshahaani oo hirgalintiisu ay hada socto, ayaa hadii uu dhaboobo suuragalin kara in DF Somalia ay ku guul dareysato Siyaasadaha ay ku maamuleyso Dalka, gaar ahaan Maamul Goboleedyada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News