Ciidan milatari oo weeraray masuul ka tirsan DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo hubeysan oo ka tirsan dowlada Soomaaliya oo meletariga ah ayaa weerar ku qaaday gudoomiye waaxeed ka tirsan degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Nuur Maxamed Axmed, oo ag gudoomiyaha waaxda Liiqliiqato ee degmada Kaxda ayaa ah gudoomiyaha waaxeedka la weeraray waxaana xiligaasi uu ku sugnaa guri dhisme uu ka socday.

Gudoomiye waaxeedka la weeraray oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay ineysan garaneynin sababta ka dambeysay in ciidamada meletariga ay soo weerareen.

Wuxuu sheegay in ciidamadaasi loo maleynayo iney ahaayeen kuwo isbaaro u taalay degmada Dharkeynley ee gobolka banaadir kuwaasi oo weerarka ku qaaday gudoomiye waaxeedka.

Weerarka ka dib waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan nabad sugida iyo kuwa booliska Soomaliya iyo gudoomiyaasha Dharkeynley iyo Kaxda.

Weerarkaasi ayanan la ogeyn qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay laakiin gudoomiye waaxeedka la weraray ayaa sheegay in dhankooda uusan wax qasaaro geysan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com