Sheekh Shariif: Waxaa ceeb innoogu filan inaan..

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii dowladii KMG aheyd ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed, ayaa si kulul kaga hadlay dhibaatada ummada Soomaaliyeed ku heysata dalalka caalamka kuwaasi oo qaxooti ahaan ku tagay meelo ka baxsan dalkooda hooyo.

Sheikh Shariif Sheikh Axmed, wuxuu sheegay in muddo 25 sano ah dhibataada heysata ummada Soomaaliyeed ee aan waxba laga qaban ay ceeb ku tahay ummada Soomaaliyeed iyo dadka madaxda ah, maadaama aan dadkaasi wax loo qaban.

Sheikh Shariif, ayaa sheegay in dadka qaxootiga ah aysan heysan awood ay wax ku qabsadaan, laakiin dadka madaxda ah ay heystaan awood ay dadkaasi wax ugu qaban karaan ayna wanaagsan tahay in dadkaasi loo gurmado.

Wuxuu sheegay in ummada Soomaaliyeed haddii midnaan ay muujiyaan laga guuleysann lahaa amni darada iyo dhibaatada ummada Soomaaliyeed heysata muddada ku dhow nus qarniga.

“Qaxootiga Soomaaliyeed iney dhibaateysnaadaan 25 sano inagey ceeb nagu tahay, iyaga ceeb kuma ahan, sababtoo ah annaga awood aan wax ugu qabano ayaan heysanaa laakiin iyaga awoodaas ma heystaan”ayuu yiri Sheikh Shariif Sheikh Axmed.

Hadalkiisa wuxuu kusoo aaday xili ay kordheen dhibataada ummada Soomaaliyeed ay kala kulmayaaan dalalka Yemen, Kenya iyo Libya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com