XOG: Saameyn ceynkee ayuu Guuleed ku yeelan doonaa go’aanka XASAN Sh. ku reebay MUDUG?

Muqdisho (Caasimada Online) – Inkastoo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uu Maamulka Puntland u rumeeyay riyadii aheyd carqaladeynta Maamulka G/Dhexe ayaa waxaa hubaal ah in C/kariin Xuseen Gulleed uu saameyn gaar ah ku yeelan karo go’aankaasi.

C/kariin Gulleed oo durbadiiba ka xanuunsaday go’aanka uu Madaxweyne Xassan ku qanciyay C/weli Gaas, ayaa waxaa soo ifbaxeyso in C/kariin uu lasoo derisay niyad jab kasoo gaaray go’aanka Xassan.

Gulleed oo go’aankaasi kadib kulamo gaar gaar ah la qaatay Ergooyinka Cadaado ayaa waxaa la sheegayaa inuu kala hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid ahaayen go’aanka Xassan, saameynta uu dhismaha maamulka ku yeelan karo iyo kaalinta kaga aadan musharaxiinta.

Waxa uu rajo xumi uga muujiyay qaabka ay DF Somalia kula dhaqantay Ergooyinka, maadaama uu Xassan isagu ahaa shaqsiga waday abaabulka dhismaha Maamulka.

Waxa uu sidoo kale Odayaasha ku booriyay inay go’aan kaasi lamid ah kasoo saaran kan Madaxweynaha uu G/Dhexe uga reebay mudugta Puntland.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Gulleed uu si KMG ah u hakiyay ololihii uu ka dhex waday Ergooyinka Cadaado, waxaana lagu wadaa inuu dib ugu soo laabto Magaalada Muqdisho, si uu Madaxweyne Xassan ugala hadlo go’aanka kasoo baxay shirka Garoowe.

Gulleed waxa uu aad xiligaani uga careysan yahay Madaxweyne Xassan oo la rumeysan yahay inuu la wadaago siyaasad gaar ah, balse ay u muuqaneyso inay kusii kala fogaanayaan qodobadii kasoo baxay shirka Garoowe.

Arrintaani ayaa abuureysa khilaafyo hor leh oo ka dhex dhasha Xassan iyo Gulleed, inkastoo aan la saadaalin karin halka uu biyo dhiciisu noqon doono.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com