“Xasan Sheikh labadiisa hadal isma waafaqsana, wuxuuna sidaas u sameeyey 2 qorshe dartood”!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Caaqil C/qaadir Waceys oo ka mid ah ergada ka qeybgaleysa shirka maamul u sameynta Gobolada dhexe ee Caddaado ka soconaya, ayaa wareysi uu siiyey mid ka mid ah Idaacadaha FM-yada ee Muqdisho, wuxuu ku tilmaamay qoddobada heshiiska Garowe kuwa meel ka dhac ku ah hannaanka Dowladeed ee dalka, isaga oo ku tilmaamay Madaxweyne Xassan Sheekh inuu yahay mas’uul go’aan jilicsan oo aan ku dhicin inuu ka run sheego xilka Qaran ee uu huwan yahay.

“Qoddobada heshiiska waxaa ka mid ah, Qoddob la leeyahay Ergo ka socota Puntland kama qeybgeli karaan shirka Caddaado ka socda, taas macnaheedu ma waxeey tahay in dadka la qasbayo oo xittaa qofka rabitaankiisa uusan xor u aheyninuu tago karin halka uu rabo, teeda kale; waxaa la leeyahay Gobolada dhismaayo ha lagu saleeyo dastuurka, siddeey ku dhici kartaa in dastuur markiisii horeba Puntland ay iyadu soo qarbabooshtay in ummadda lagu xuuxiyo” Ayuu yiri Caaqil C/qaadir, wuxuu intaa daray in Dowladnimadii lagu ciyaarayo haddii aan la fulin Dastuurka dalka u yaal, wuxuuna intaa ku daray in  hay’adda keliya ee soo saari karto wax la isku raacsan yahay ay tahay Baarlamaanka fadhiya Muqdîsho.

Maamul Goboleedyadan oo intooda badan aan jirin xilligii Dowladda la dhisayey, ujeeddada loo abuuray waa fowdo iyo carqaladeyn; haddii ay jiraan waxyaabo ay tabanayaan waa in ay u soo maraan qaab dastuuri ah; sida in Xildhibaanada Baarlamaanka u metelaya ay ka hadlaan waxyaabaha qaladka ugu muuqanaya; laakiin Madaxweynihii oo shaqsi ah inta ay guri ku xirtaan in ay yiraahdaan heshiis baan la gaarnay waana ansax, waa wax caqligu qaadan karin; Madaxweynaha isaga laftigiisa sharciga ayaa ka weyn” Ayuu yiri Caaqilka.

Caaqil C/qaadir Waceys wuxuu mar kale yiri: “Ummadda Soomaaliyeed in ay ogaanaa marka hore Madaxweyne Xassan Sheekh 2 arrimood ayaa miiska u saaran; cid kasta oo uu u arkayo in ay 2-daas arrimood u fududeyneyso xittaa caruurta uu dhalay  waa u sadaqeynayaa, 2-daas arrimood waxeey kala yihiin: Sidii mar kale loo dooran lahaa sannadka 2016 & boobka hantidii Qaranku lahaa oo sida maxaa-kaa-galayda ah loo dhacayo; sababtu waxa ay tahay siddee ku dhici kartaa shaqsi madaxweyne ka ah dalka oo metelaya ummadda Soomaaliyeed ee ku nool Raas-caseyr ilaa Raaskambooni in qabiil ka mid ah qabiilada Soomaaliya, weliba haddii la is tiriyo noqonaya kuwa ugu yar in Garowe inta ugu yeeraan ku yiraahdaan sida aan annagu rabno wax inoogu saxiix; war yaa ninkaan (Xassan Sheekh) naga qabta.?

Caaqil C/qaadir Waceys, wuxuu kaloo sheegay in Soomaaliya dhibaatada xilligan ay wajaheyso ay tahay mid ay fulinayaan dad Soomaali ah oo u cadowga diidan jiritaanka Soomaalinimada u adeegaya.

“Waxaa la yiri Cumar C/rashiid heshiiskii uu Puntland la galay waa in la fuliyaa, waxaa isweydiin mudan heshiisku goormuu ansax noqon karaa; shaqsi ama mas’uul Dowladda ka tirsan inta u tago beeshiisa wixii ay rabeen u soo saxiixo in heshiis lagu tilmaamo wax dhici kara ma tahay.? Heshiis waxaan u aqaanaa midka Baarlamaanka oo ka kooban dhammaan wakiilada beelaha Soomaaliyeed la hor geeyo, ay ka doodaan, kaddibna diidaan ama oggolaadaan, midkaas ayaan heshiis u aqaanaa” Ayuu yiri Caaqilka, wuxuuna intaa ku daray;

“2 Qabiil ayaa ku shirtay Garowe (Daarood & Raxanweyn); waxaa ka soo baxeyna waa wax lagu cabiray fikir qabiil, waanna jug jug meeshaada joog waxaa la diidan yahay in Soomaaliya ay dhibaatada ka baxdo”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com