Kullankii Minnesota ee EX ra’iisul wasaare Cabdi Weli Sheekh waxbaa iiga baxay (Xog muhiim ah)!

HORDHAC/GOGOL-DHIG

Allaah ayey mahad oo idili usugnaatey, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

Akhristoow waxaa gobolka Minnesota ee dalka Mareeykanka soo gaareey bishii lasoo dhaafay ee Abriil 2015-ka RW hore ee Soomaaliya: Cabdiweli Sheekh Axmed “Yuulka”. Maalintii Jimcaha taariikhduna ku beegneyd 17/04/2015, ayaa salaadii Jimcaha kadib waxaa Sheikh C/raxmaan Sh. Cumar oo ah imaamka masaajidka Abubakar Al-Siddiq, oo ah masaajidka ugu Soomaalida badan magaalada Minneapolis inoo sheegay in RW hore C/wali Sheekh iyo wasiirkii horee Gaashaan-Dhigga: Xuseen Carab inala tukadeen, kalmadna uusiinayo RW hore si uu ummadda ula hadlo, dabcan kadib markuu isaga sidaa ka codsaday Imaamka.

RW hore hadana ah Gudoomiyaha “Madasha Midnimada iyo Dimoqraadiyada” ee mucaaradka ah, wuxuu sheegay xilligaa in habeenka Axada ah taariikhduna ku beegneyd 19/04/2015 uu Soomaalida Minnesota si faahfaahsan ula hadlidoono. Wuxuu sidoo kale sheegay in gobollo badanoo Mareeykanka ahna eey siimaridoonaan isaga iyo saaxiibkii, kadibna Yurub ugasii gudbi doonaan.

Wuxuu sidoo kale kusoo wareegay suuqyada waaweyne Soomaalida sida: 24-ka iyo Karameel, isagoo waliba masaajidyada ku kala yaalla labadaa suuqba iyana ka istaagay, qofkasta ee uu meel uun kula kulmana “Sida Aroos ladigayo” ayuu si shakhsiyan ah uga codsanayey in maalinta Axada ah looyimaado, oo meesha aan lagu cidleyn, malaha waa sida uu kacabsi qabay’e. Wuxuu sidoo kale malaha islahaa dadka kaso qeyb gala kulankaa hadii ay aad ubataan, ee laduubee lasawiro, waxaad umuuqaneeysaa hogaamiye lawada jecelyahay (Very Popular leader!).

Waxaan si ukuurgalid ah uga qeeybgalay kulankii soodhaweynta ahaa ee ex RW Cabdiweli Sh. Axmed iyo Xuseen Carab loogu qabtey Minneapolis, gaar ahaan hotel-ka RAMADA. Hadalladiisa waxaa iigabaxay inuu yahay nin isu diyaarinayaa doorashada 2016-ka lafilayo, oo hadadanba campaign ama olole doorasho uu kujiro. Wuxuu sidoo kale ahaa nin cabursanoo rabay in uu helo fursad uu sifiican ugu neefsado, si aan toos aheyna “Cadowgiisa” ugu qaniino, ama olole dacaayadeed oo qurbaha ah ugu furo.

Hadaan qodobeeyno waxa iigabaxay hadafka kulankii uu Soomaalida Minnesota la qaatay, waxaa lagu soo koobi karaa 6-qodob:

1-Wuxuu ahaa nin campaign ama olole ugu jira in mar uun uunoqodo Madaxweynaha Soomaaliya ee 2016-ka, si uu uhelo fursad 5-sano ah, tasoo uu ku fulinkaro ajendeyaasha qabyaaladeed ee dhuuxiisa ku gaamurey, ummadeenan tabaaleeysanna uu kukala geyn lahaa.

2-Waxaa ka go’neyd in loo sawiro dadkan qurba joogta ah guud ahaan, iyo gaar ahaan Soomaalidii uu Minnesota kula kulmay, in Golaha Mucaaradka ah ee uudhistey, kuna magacaabay “Madasha Midnimada iyo Dimoqraadiyada” tahay Madal dadkii oo dhan kuwada qulquleen, oo maalinkastaba lagu wada qulqulayo, Soomaali oo dhanna ku idishahay, isaguna yahay qofkii ugu mudnaa ee badbaadin lahaa Soomaaliya, waa siduu isu arkee. Wuxuu dadkaa usheegay in eey ku jiraan Golihiisaa ugu yaraan boqol sodon iyo dhowr xildhibaan, wasiiro iyo wasiiro-kuxigeeno hore, sidaa daraadeedna sheegtey in eey yihiin awooda ugu culus ee dalka maanta kajirta!

3-Wuxuu umuuqday nin raba in dhaqaale loo ururiyo, oo aan layareeysan waxa dabarucaada loosiinayo, $10/ ba ha ahaatee, aad buuna ugu celceliyey arintaa, sida eey ugu hirgashaba.

4-Waxaa ka go’neyd in uu dacaayad/propagando iyo weerar aan toos aheyn kala daalo Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud, iyo team-kiisa, iyadoo farsamo ahaan marka hore doowlada si guud ahaan inta looweeraro, kadib ammaan lagu dhooobayo Ra’isulwasaaraha, xukuumadiisa, iyo Baarlamaanka. Waa su’aale yaa sooharay markaa oo loo danleeyahay?

5-Waxaa ka go’neyd in dadka uu aad ugu dhiiragaliyo in ay xubno ka noqdaan ururkiisa carada kudhashay ee mucaaradka ah, iyagoo website-ka ururka iska diiwaangalinaya ama iska register-gareeynaya.

6 –Wuxuu kudadaalayey in qurba-joogta waxa eey jecelyihiin in eey maqlaan dhagahooda, iyo ballanqaadyaba uu ku beerlaxawsado, sida in 50% haweenka uu madax kadhigi doono marka eey ku guuleeystaan doorashada 2016-ka, iyo in eey kudadaali doonaan in qurbajoogta codeeyso si xildhibaano badan eey uhelaan……..iwm.

TAARIIKHDII CABDIWELI YUULKA EE XILLIGII KACAANKII SIYAAD BARRE

Marka hore ex RW Cabdiweli “Yuulka” waxuu ka mid ahaa ardeydii jaamacada Gaheyr qeybta dhaqaalaha sanadihii 80-meeyadii, waxuuna ku jirey gudiga ardeyda jaamacada. Waxaana isagoo adeegsanaya shaarka Madaxweyne Maxamed Siyaad Bare, oo ay qaraabo hoose ahaayeen uu ardeyda kale u isticmaali jirey awoodo uu sameystey, isago ay ka muuqan jirtey isla weyni iyo kibir. Waxaa hadaba dhacdey in sanadkii 1984 uu jaamacada gudaheeda ku qorey liiska qaar ka mid ahaa ardeyda, isagoo gudoomiyaha jaamacada usheegey in ardeydan jaamacada laga eryo, ka dib markuu ku eedeeyey iney yahiin “Kacaan Diid qatar ku ah dawlada”, laakiin sababta dhabta ah waxey aheyd mid qabyaaladeed, isagoo ardeyda uu jaamacada ka eryey ay wada ahaayeen kuwo isku qabiil ah. Waa taariikh lawada ogyahay, cidkastana xaqiijinkareeyso. Waxaana ardeydii jaamacada laga eryey oo qaarkood meel fiican marayey ay ku keentey niyad jab weyn, iyo mustaqbalkoodii uu sidaa ugu cayaarey “Yuulka”.

Taariikhaha mugdiga ah ee Yuulka waxaa ka mid ah in sanadkii 1989-kii xilli Maareeye looga dhigey mashruuc la dhihi jirey “Suuq geynta xoolaha”, ayaa waxaa jirta in mashruucaas dhaqaalihii loogu talagaley in lagu socodiisyo, oo dhamaa “Sedex milyan iyo bar dolarka Mareeykanka ah” uu jeebka ku shubtey, oo uu sidaa qaranka hantidaa uga dhacey. Sida dadka qaar “Xisaabi Xil Maleh!” loogu leyn jireyse, cidi xitaa dhinaciisa umasoo eegin, qaraabanimada hoose ee uu Siyaad Barre la haa darteed. Sida lawada ogyahay wuxuu dhaqaalahaa ku kala dhistey guryaha ugu kala yaalla Degmada Wadajir iyo degmada Yaaqshiid ee Caasimada dalka ee Muqdisho. Guryahaa oo min laba dabaq ka kooban, oo laba ahaa waxuu ka dhistey xaafada Xoosh ee loo yaqaaney “Booli Qaran!”, iyo mid isagana laba dabaq ah ee uu ka dhistey Yaaqshiid, kaasoo garab ku haayey gudoomiyihii hore ee Bangiga Dhaxee Soomaaliya ee waqtigii Siyaad Bare kaasoo lagu magacaabo: Cismaan Gaab.

Sida Soomaali badanba eey lawada socdaan Cabdiweli “Yuulka” iyo nin dhawr bilood ka hor dhintey oo la oran jirey: Maxamed Xasan, kaasoo Taliyaha Booliiska uu kadhigey xiligii uu “Yuulka” ahaa Ra’isilwasaare, xaqiiqdii waqtigii Siyaad Bare caan ayey ka ahaayeen magaalada Muqdisho. Waxaana ay ahaayeen rag aad ukibir badan, shacbigana dhiba, qaar xira, qaarna baada, iyagoo adeegsanaya awood qabiil iyo in Siyaad Bare ay qaraabo hoose la ahaayeen.

Ninka nuucaas ah, maa Madaxweyne Xassan Sheekh Ra’isulwasaare ummada Soomaaliyeed uga dhigey, isagoo meesha ka eryaye markaa mudanihii qiimaha badnaa ee ex RW Saacid.

TAARIIKHDIISA MADOOW EE XILIGII UU RA’ISULWASAARAHA DALKA AHAA

Sideedaba Cabdiweli “Yuulka” dhiigiisa iyo dheecaankiisa waxeey kushaqeeyaan qabyaalad gaamurtey. Xilligii Kacaanka “Juffo hoosaadkiisa” ma dhaafsiisneyn, hadase [Beelweynta] in uu ku Cadaab tago baa malaha kago’an, iyo boob hanti qaran oo shaqaba uah. Dhinaca qabyaalada wuxuu soo cariirsankaraa Aabaha qabyaalada ee dhamaan siyaasiyiinta Soomaaliba ku abtirsada, waa: Cabdiweli Cali Gaas’e oo aad kaga bogankartaan qormadii aan kaqorey habeenkii Maamul-Beeleedka tolkii hogaamiyaha looga dhigay. Qormadaa waxaa ciwaankeedu ahaa: “Heshiis-ku-sheega Dowladda Dhexe & Maamul-Beeleedka Puntland waa Nikaaxii Mutcada!”

Cabdiweli “Yuulka” waa ninkii casuumad qabyaaladeedka usiiyay Cabdiweli Gaas si uu uga qeybgalo shirkii madaxda Afrika ee London lagu qabanaayay, asagoo usheegay in uu Soomaaliya wadamatalo, isagoon kalana tashan Madaxweynaha iyo Golaha Wasiiradda, taasoo aheyd “Khayaano Qaran!”.

Cabdiweli “Yuulka” wuxuu 14-kii October 2014-ka u saxiixay heshiis-kusheeg Maamul-Beeleedka Puntland, kaasoo dhigayay in Maamulka Gobolada Dhexe lagu ekeeyo Galgaduud iyo Koonfurta Mudug, iyadoo Waqooyiga Mudug-na lagu biirinaayo Maamulka-Beeleedka Puntland, taasoo xadgudub weyn ku ah Dastuurkii dalka loo sameeyay, kaasoo dhigayey: “Maamul Goboleed waxaa noqon kara laba gobol iyo wixii ka badan”. Waxaan xilligaa kasameeyey qormo aad uqiimo badneyd, ciwaankeedu ahaa “Heshiis-ku-sheega Dowladda Dhexe & Maamul-Beeleedka Puntland waa Nikaaxii Mutcada!”

Cabdiweli “Yuulka” wuxuu sidoo kale heshiis dhinaca badda ah lagalay Dowladda Uhuru Kenyatta (Kenya), una ballanqaaday in ay xukuumadiisu dib usoocelin doonto/la noqondoonto dacwadii ka dhanka ahayd Kenya ee Madaxweynaha Somaliya uu ugudbiyay Maxkamada Caalamka ee Hague, si uu Kenya ugu garabgalo dhaca iyo boobka kheyraadka ummadeena. Wallee Yuulkoow Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo matihih

Cabdiweli “Yuulka” Waa ninkii dhiiragalinayey ee waliba bogaadinayey markii 3-jeer kulankii baarlamaanka qaranka ay afartameeyo “Xil-Madhibayaal” ah Isbaaro udhiganayeen, oo si anshax-xumo iyo ciyaal-suuqnimo ah u arbushayeen heey’adii dhameyd ee sharci-Dajinta Qaranka, bal ninkaa miyaa uqalma mas’uul qaran, iyo zaciim ummad dhan xil loogu dhiibo? Markaan u adkeeysan waayey waxa Cabdiweli “Yuulka” sameeynayo, Prof. Jawaarina xakameyn la’yahay, ayaan kadiyaariyey qormo ciwaankeedu ahaa: “Gudoomiye Jawaari wuu fashilmaye fadlan ha iscasilo!

Nasiibdarrada intaa kasii weyn ayaase ah in ninkaa nuucaa ah, Soomaali oo dhanna wadabaratey uu wali hammi uga siijiro in uu Madaxweyne inoo noqdo, oo ummadoo dhan masiirkooda mar uun faraha uwadagalo. Subxaanallah! Allow shartiisa inaga najee.

GABAGABO/GUNAANAD

Aqristoow waayuhhu duruusta eey ibareen waxaa kamid ah in Siyaasiyiinta Soomaalida marka eey xukun raadiska yihiin iyo marka tareenka katago oo fursadu dhaafto, eey uhadlaan si 100% kasoo horjeeda ama liddi ku ah qaabkii eey udhaqmayeen markii xilka eey hayeen. Waa marka laga reebo Mudane: Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Nasiibwanaag! Waa la isbartey, oo Cabdiweli Sheekh “Yuulka” ma aha mudane Farmaajo, bale horaa looyiri, “Nin aad taqaan yaatahay lama yiraah”.

Qoraa: C/Qaadir M. Cismaan (Cabdiboqor)

Maamule-kuxigeenkii hore ee Kulliyada Maamulka iyo Dhaqaalaha, isla Kulliyadaana Macallin ka ahaa.

Al-Madinah International University

Abdulkadirphd@hotmail.com

Minnesota, USA.