Aqoonyahanada siyaasada maxay ka yiraahdeen go’aankii XASAN SHEEKH ee shirka GAROOWE

Muqdisho (Caasimada Online) – Inta badan Siyaasiyiinta iyo aqoonyahaanada dalka ayaa siyaabo kala duwan uga soo horjeestay go’aanka Madaxweynaha Somalia uu ku kala qeybiyay Mudug.

Aqoonyahaan Yaxye Cali Ibraahim oo bartay Siyaasadda iyo Dhaqaalaha ayaa aragti ka bixiyay, heshiiskii Magaalada Garoowe ay ku kala saxiixdeen Dowladda dhexe iyo Dowlad goboleedyada, heshiiskaasi oo qodobada kasoo baxay ay ka mid ahayd in Waqooyiga Mudug uu ka madax banaan yahay Maamulka loo dhisayo G/dhexe.

Waxa uu Yaxye sheegay in Madaxweyne Xassan uu go’aankaasi qaadashadiisu ku qaadatay maalmo, waxa uuna tilmaamay in ka fikiritaankiisu uu ahaa mid in muddo ah soo jiitameysay.

Waxa uu tilmaamay in marka loo eego Dastuurka uu qalad yahay heshiiska, isaga oo sheegay in go’aanka uusan waxba ka badali karin xaqiiqda ka jirto dalka.

Mar wax laga weydiiyay hirgalinta labada dhinac ee qodobadaasi ayuu sheegay inay adag tahay bacdamaa uu yiri inta badan aan lagu wada qanacsaneyn, taasina ay meesha ka saareyso dhiirnaanshaha heshiiska.

Rajo xumi ayuu ka muujiyay in guulo laga gaaro heshiiskaasi, waxa uuna tilmaamay in caqabada koowaad ay ka dhalan doonto qaabka awood qeybsiga, taasi oo ay ka dhalaneyso kala fogaanshaha dhinacyada heshiiskaasi kala saxiixday.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in mar waliba oo ay daciifto awooda Dowladda dhexe in uu xoogeysanayo Maamul Goboleedyada dalka, isagoona tusaale usoo qaatay tan iminka taagan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com