Kashifaad: Heshiis Awood qeybsi oo Garoowe ka dhacay (Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha 2016)

Garoowe (Caasimada Online) – Sida laga soo xigay ilo wareed Garowe ku sugan oo codsaday inaan magaciisa loo xusin sababo ammaan darteed, kulan albaabada la isku xirtay ayaa habeen hore ku dhexmaray Garowe hogaamiyayaasha maamulada Puntland, K/Galbeed & Jubbaland.

Waxaa kulankaasi uu ahaa mid looga hadlayey sidii madaxda maamuladaasi ay u yeelan lahaayeen isbaheysi siyaasadeed marka la gaaro xilliga loo balansan yahay in ay dhacdo doorashada madaxtinimada 2016.

Isha warkaasi laga soo xigtay waxa ay intaa ku dartay in Hogaamiyaha K/Galbeed Shariif Xassan u soo qadimay Madaxda Puntland & Jubbaland damaciisa ku aadan in sannadka soo socda u tartamayo doorashada Madaxweynenimada; isaga oo weydiistay Gaas & Madoobe inay ku taageeraan sidii qorshahaasi uu meelmar u noqon lahaa; wuxuuna xusay in Itoobiyaanku ay qeyb weyn ka qaadan doonaan ololihiisa, isaga oo u balanqaaday Madoobe & Gaas in haddii uu xilka Madaxweynenimada ku guuleysto inuu siin doono jagada R/wasaarenimada Gaas & Madoobe.

Mas’uulka warkaga laga soo xigtay, wuxuu sidoo kale xaqiijiyey jiritaanka 3 qorshe oo isbarbar socda; oo qolo kastana ay wadato ajende u gaar ah oo qolada kale aaney la socon; waxaanna isaga oo saddexdaas qorshe ka hadlayey uu sheegay in kulan dhexmaray

1) Xassan Sheekh oo la kulmay Hogaamiye Goboleedyada wuxuu u sheegay inuu diyaar u yahay fulinta dalab kasta oo ay doonayaan Hogaamiye Goboleedyada, taa bedelkeedana wuxuu ka codsaday inay ku taageeraan in dib loo doorto 2016.

2) Saddexda Hogaamiye maamul oo doonaya in Shariif Xassan Madaxweynenimo la la raadiyo; Gaas & Axmed Madoobe midkood R/wasaarenimo uu qaato, beesha Hawiye meel cidlo ah la dhigo.

3) Gaas & Axmed Madoobe oo isku af-gartay in ay dab ka dhex shidaan Hawiye, Digil & Dir, si deegaanadooda (Koofurta) mar kasta ay u noqdaan kuwa aan xasilooneyn, si mustaqbalka loo yiraa meel Soomaaliya laga maamulo ayaa loo baahan yahay, Xamar na ma noqon karto caasimad oo waa bahalo galeen, aan Garowe aadno.

Mas’uulka warkan laga soo xigtay wuxuu leeyahay Itoobiya ayaa u soo jeedisay Shariif Xassan in Isbaheysi uu la galo Madoobe & Gaas, ujeeddada ay ka leedahay Itoobiya wuxuu sheegay in ay tahay in Soomaalida dhexdhigto colaad aysan weligeed ka soo waaqsan.

“Madaxweyne Xassan Sheekh tan uusan la socon waxeey tahay rayiga kale ee ay wataan Madoobe & Gaas oo ah mid dhabar jabin ku ah qorshihiisa, waxaanna xaaladu u muuqataa maahmaahdii aheyd: (Labbo kala bariday kala war la’). Ayuu yir mas’uulkan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com