XOG: XASAN oo qorsheynaya la kulanka KERRY

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo ay heshay shabakada Caasimada Online ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uu qorsheynaayo inuu kulan gaar ah la qaato Xoghayaha Arimaha Dibada ee Mareykanka John Kerry.

John Kerry, ayaa iminka socdaal shaqo ku joogo Magaalada Nairobi ee cariga dalka Kenya, waxaana la sheegayaa in Madaxweyne Xassan uu kala hadli doono arrimaha Somalia, gaar ahaan isbedelada socda iyo Hiigsiga 2016-ka ee fooda nagu soo heyso.

Caasimada Online oo xiganeyso ilo ku dhow dhow Madaxweynaha Somalia, ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu ku howlan yahay sidii uu u qaabili lahaa John Kerry.

Ilo wareedka ayaa sheegaya in kulanka uu dalbaday John Kerry oo isagu socdaalkiisu qeyb ka ah u kuurgalida xaalada qaarada Madow ee africa, gaar ahaan Kenya iyo Somalia.

Dowlada Mareykanka ayaa si gaar ah u daneyneyso Arrimaha Somalia sida, kobcinta Siyaasada, Hiigsiga 2016-ka iyo in Somalia dib loogu soo celsho xasilooni.

Lama oga in madaxweynuhu u safri doono magaalada Nairobi iyo in John Kerry imaan doono Magaalada Muqdisho, walow ay warar hoose sheegayaan inuu kula kulmi doono dalka Jabouti.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com