Xasan Sheekh oo sheegay in laba arrin midkood ay kula xaajoonayaan maamulka SOMALILAND !!

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud oo wareysi gaar ah siinaayay Telefeshinka Somali Channel, ayaa waxa uu si qoto dheer uga hadlay kala aragti duwanaanshaha DF Somalia iyo Maamulka Somaliland.

Madaxweyne Xassan ayaa sheegay inay ixtiraam gaar ah u hayaan Maamulka Somaliland, kaliya ay ku kala duwan yihiin aragtida, taasina ay ka gaari doonaan wada hadal.

Waxa uu Madaxweynuhu sheegay in DF iyo Maamulka Somaliland ay kuwada hadli doonaan laba jiho midkood qaab maamul ama qaab qabiil, wixii kasoo harana aysan aqbali doonin.

Waxa uu Tilmaamay in inta badan ay kasoo horjeestan raga ka socda DF Somalia ee iyaga horfadhiisanaayo, waxa uuna sheegay inaysan xaq u laheyn inay kala soocaan mas’uuliyiinta ka socta dhanka Dowlada meeshey doonaan haka soo jeedene.

Xasan Sheekh waxa uu sheegay in Somaliland ay u furan tahay kaliya inay ka hadasho aragtideeda balse ay nasiib daro u arkaan in shirarka dhacaayo ay la imaadan xujo ah inaysan la fadhiisan doonin raga kasoo jeeda deegaankooda ee ka tirsan DF Somalia.

”Anagu waxaan aheyn laba maamul oo wada hadlaayo, dadka ay kasoo horjeedana waxa ay kamid yihiin dadka qaatay midnimada, wey noo cuntami weysay in Somaliland ay dhahdo anagoo maamul ah ayan dowladu la hadleynaa hadana ay la imaadan xujo ah inaan la horkeenin shaqsiyaad kasoo jeeda Somaliland”

”DF weli kama quusan in Somaliland ay xaqiiqda ku qanciso, welina wuu socdaa wada hadalka wuuna sii socon doonaa”
Dhanka kale, waxa uu ku taliyay in loo soo deg dego qaadashada midnimada iyo qaranimada Somalia, waxa uuna ka digay in loo bahoowo tafaraaruqa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com