XOG Katharine Dhanani oo 2 arin midkood isku casishay (DHAGEYSO)

Washington (Caasimada Online)-Labo maalin ka hor waxaa iska casishay xilka safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Katherine Simond Dhanani oo madaxweynaha Obama u magacaabay xilkaasi dhamaadkii bishii Febraayo ee sanadkaan.

Warar dheeraad ah ayaa ksoo baxaya sababta ka dambeysay in haweenaydaasi ay iska casisho xilka loo magacaabay, waxaana loo badinayaa labo arin midood.

Siyaasi Maxamed Axmed Cali oo ku nool dalka Mareykanka oo la hadlay Idaacada Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa aaminsan in arintaasi ay ka dambeysay kadib markii ay soo baxeen dambiyo shaqsiyadeena ay gashay, taasi oo aan u ugolaneynin iney xilkaasi qabato.

Maxamed Cali, wuxuu sheegay in dalka Mareykanka ay adag tahay in qof dambiyo horay u galay uu xil qabtaa, ayna ka hor imaanayaan arintaasi golaha sanadka.

Inkastoo ay aheyd diblumaasiyad ka shaqeysay dalalka Africa ayaa haddana waxaa loo badinayaa iney arimahaasi isku casishay ka hor inta aysan saxaafada ogaan dambiyadeeda.

Waxyaabaha kale ee loo sababeeynayo ayaa loo badinayaa safarkii uu Kerry ku yimid magaalada Muqdisho oo micno badan lahaa iyo in Kerry uu dowlada Soomaaliya ka waayay dano Mareykanka ka lahaa.

Caasimada Online
Xafiiska Mareykanka
Caasimada@live.com