XOG Xasan Sheekh oo warqad cajiib ah u diray Madaxweynaha Mareykanka

Muqdisho (Caasimada Online)-Ilo xogagaal ka tirsan Madaxtooyada Somalia ayaa inoo xaqiijiyay in Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uu warqad qoraal ah u diray dhigiisa dalka Mareykanka Barack Obama.

Ilo wareedka ayaa sheegaya in qoraalkaasi uu ahaa mid salka ku hayay go’aankii Dowlada Mareykanka ay dib ula noqotay Safiirka cusub oo ay usoo magacawday dalka Somalia.

Madaxweyne Xassan ayaa warqadaasi ku dalbaday in dhigiisa dalkaasi uu DF Somalia ka jaahil bixiyo cilada keentay in Dowladu ay dib ula laabato Safiirka ay Somalia usoo magacawday.

Sidoo kale, Madaxweyne Xassan ayaa la sheegayaa in warqadaasi uu Dowlada Mareykanka uga dalbaday xoojinta dhanka Xiriirka kala dhexeeya Somalia, xili ay DF Somalia ku taameyso inay hesho garab Siyaasadeed oo heer caalami ah.

Go’aanka ay Dowlada Mareykanka kula laabatay Safiirkeeda ayaa walaac gaar ah ku beertay DF Somalia oo iyadu aaminsaneyd in isbedel dhanka Siyaasada ah uu ku imaankaro Somalia, bacdamaa ay kasoo kabsaneyso burburkii ka dhashay dhicida Dowladii Dhexe ee Siyaad Barre.

Ma jirto wax jawaab ah oo ilaa iyo iminka kasoo baxay Dowlada Mareykanka, markii laga reebo qoraal kasoo baxay Wasaarada Arrimaha dibadda Mareykanka oo lagu sheegay in dib ula laabashada Safiirkooda uusan saameyn ku yeelan doonin Siyaasada kala dhexeysa Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com