”DF dab iyo banziin ayay kadaba wadaa Siyaasadeena waan u digeynaa haka baxdo arimaheena gaarka ah” sidaa waxaa yiri …

Muqdisho (Caasimada Online)-Eng Faisal Cali Waraabe Hogaamiyaha xisbiga Mucaaradka UCID ee maamulka Somaliland, ayaa sheegay in DF Somalia ay sii laba jibaareyso dagaalka kala dhexeeyo Somaliland.

Faisal, ayaa sheegay in Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uu Beesha Caalamka ka dhaadhicinaayo in Somaliland laga soo xiro xiriirka kala dhexeeyo Dowladaha hormarsan, waxa uuna taasi Hogaamiyuhu ku sheegay mid aan haba yaraade suuragali doonin.

Waxa uu sheegay in DF Somalia ay dab iyo banziin ka daba wado Somaliland waxa uuna carabka ku dhuftay inuu la socdo dadaalo dhowr ah oo uu Madaxweyne Xassan ku doonaayo inuu ku cadaadiyo Somaliland.

”DF Somalia hanaga deyso dhibka ay nala daba taagan tahay, waa nasiib darro in laga beero heshiisyadii hore loo gaaray. talaabo waliba oo ay qaado waxaan ku kalsoonahay inaan Siyaasada Somaliland ku imaan doonin wax caqabad ah oo ka dhasha dadaalada uu wado Xassan Sheekh”

”Siyaasadu kama mid ah in lagu mashquulo dowladaha jaarka ah, waxaan Xassan Sheekh u sheegayaa inuu naga xishoodo oo uu ilaaliyo Heshiisyada weli taagan”

Egn Faisal Cali waraabe ayaa sheegay in Dowlada Somalia ay si joogto ah xili waliba uga hor imaado Somaliland, waxa uuna tilmaamay in mid taa lamid ah ay iyaguna ku kici doonaan hadii aysan ka waantoobin wararka ay ka faafineyso Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.

Geesta kale, waxa uu wacad ku maray inay la xisaabtami doonaan DF Somalia, hadii aysan faraha kala bixin go’aanada lagu dibin daabinaayo Somaliland oo ay hoosta ka maleegeyso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com