XOG Ethiopia & Maamulka C/Weli Gaas oo u hishiiyay Gobolada dhexe

Garoowe (Caasimada Online)-Labadii todobaad ee lasoo dhaafay waxaa shacabka deegaanada Puntland ay aad u hadal hayeen qorshe dowlada EThiopia ay deked cusub kaga dhisaneyso xeebta degmada Garacad ee Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in dowlada Ethiopia ay weecisay qorsha dib u dhiska iyo balaarinta dekeda magaalada Boosaaso ayna u weecisay dekada degmada Garacad.

Ujeedada ugu weyn ee laga leeyahay dhismaha dekadaasi ayaa lagu sheegay iney tahay sidii Puntland ay kaga maarmi laheyd dekada magaalada Hobyo oo Puntland ay diidan tahay inuu adeegsado maamulka cusub ee gobolada dhexe.

Maamulka Puntland ayaa maalin ka hor beeniyay in la weeciyay qorshihii dekeda magaalada Boosaaso loona wareejiyay degmada Garacad, waxaana maamulka Puntland uu sheegay in labo qandaraas ay kala yihiin dekadaha Boosaaso iyo Garacad.

Maamulka Puntland ayaa si adag kaga soo horjeedo dhismaha maamulka gobolada dhexe  oo ay kaga baqeyso inuu ku ciriiriyo dhaqaalaha iyo amaakaba.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com