XOG EU oo cadaadis ku haya Siilaanyo & hanjabaad cusub oo loo jeediyay

Hargeysa (Caasimada Online)-Waxaa sii xoogeysanaya xiisadaha ka dhashay xaalada siyaasadeed ee ka taagan magaalada Hargeysa kana bilaabatay markii muddo kororsi labo sano ah loo sameeyay Axmed Siilaanyo.

Magaalada Hargeysa waxaa ku sugan wafdi ka tirsan Midowga Yurub oo uu hogaaminayo wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya oo maalin ka hor tagay magaalada Hargeysa.

Safarka wafdigaasi markii ay ku tageen Hargeysa waxay kulamo gaar gaar ah la qaateen xubnaha maamulka Somaliland, waxaanan wararka ay sheegayaan in lagala hadlayo arimaha muddo kororsiga.

Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa la kulmay Madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, guddoomiyaha guurtida iyo madaxda saddexda xisbi-qaran waxay kaga wada-hadleen xiisadaha ka taagan deegaanada Somaliland.

Wafiga ku sugan magaalada Hargeysa ayaa la sheegay iney ku caadinayaan madaxda Somaliland ineysan badsan muddo kororsiga oo ay aqbalaan muddada sanadka ah ee golaha doorashooyinka ay u cadeeyeen.

Golaha guurtida Somaliland ayaa muddo labo sano ah u kordhiyay maamulka Axmed Siilaanyo, waxaana taasi ay keentay in mudaaharaadyo badan ay ka dhacaan deegaano kala duwan oo mucaaradka ku xoog badan yihiin.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com